Author Archives: Yasmin Ahmed

Missing image

Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Kooxo hubaysan ayaa saddex qofood siyaabo kala duwan ugu dilay maanta deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Sool, iyagoo sidoo kalena dhaawacyo u geystay tiro kale oo ay ku jirtay qof haweeney ah. Weerar ka dhacay deegaanka Xaraar-daayeer oo 20-km Galbeed kaga aadan degmada Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay ruux rag ah, halka ay saddex qof oo midi dumar tahayna lagu dhaawacay. Qofka dhintay iyo saddexda uu dhaawucu soo gaaray ayay dableydu ku rasaaseeyeen gaari ay la socdeen oo kusii jeeday deegaanka Kala-baydh oo 30-km u jira Laascanood. Booliiska Laascaanood ayaa sheegay inay soo qabteen dableyda weerarkan khasaaraha geystay qaaday, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin sababaha ay falkan u sameeyeen, walow la isla dhex-marayo inay arrintaani tahay mid salka ku haysa aanooyin. Xildhibaan Cismaan Xuseen Carab oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood ayaa HOL u xaqiijiyay in dadka dhaawaca ah mid ka mid ah uu aad u liito; laguna daweynayo isbitaalka Laascaanood. Dhinaca kale, deegaanka Geel-boob oo ka tirsan tuulada Saax-dheer oo 70-km Koonfur-galbeed kaga beegan Laascaanood ayaa lagu dilay laba nin sida uu sheegay, Maxamuud Warsame Cali oo deegaankaas ku sugan. Kooxaha dilkan geystay ayaa la sheegay inay hayb-wadaag ahaayeen kuwa galabta weerarka loogu geystay deegaanka Xaraar-daayeer ee dhimashada iyo dhaawucu soo kala gaaray. Maamulka Khaatumo oo deegaankaas ka taliya weli ma jirto wax war ah oo uu kasoo saaray falkaas waxaana la sheegay in ciidamo ay gaareen halkaas caawa fiidkii, mana jirto cid ay qabteen oo weli la sheegay. Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online seynab@hiiraan.com Laascaanood, Gobolka Sool – See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Dec/wararka_maanta15-89365.htm#sthash.eWC5VbLb.dpuf

Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Kooxo hubaysan ayaa saddex qofood siyaabo kala duwan ugu…