Ra’yi(Opinion)

Missing image

Xukuumadda siilaanyo ayaa waxay ku tumatay shuruucdii dalka isla markaana waxay jabisay dastuurkii dalka u yaalay,oo wax kasta gacmaheeda ayey ku banaysatay,oo maanta waxay maraysa in xaqii dastuuriga ahaa ee muwaadiniinta ku tumanayso oo aysan cidna waxba ka weydiinayn. Dastuurka Somaliland ayaa damaanad qaaday xoriyada hadalka iyo ganacsiga xorta ah,xukuumadii siilaanyo inta ay soo dhaaftay dastuurkii dalka oo ay jabisay ayey taagan tahay wargeysyadii HAATUF IYO HUBAAL dib u soo bixi maayaan,miyeysan ogeyn in dastuurka qaranku damaanad qaaday in meherada muwaadinku ku shaqaysan karayo oo aysan cidina alabaabda u xidhi Karin ilaa uu isu iska xidha mooyaane, waxay maraysa xukuumadii siilaanyo inay xidhxidho cidii ka afgaar duwanaata oo waxay leedahay maxaad xisbiyadda mucaaradla ugu biirteen ayay shacabkii ku haysataa. Halka musuqa,eexda,qabayaaladda,boobka hantida umadu marayo waxa la odhan karaa waa halkii ugu liitaday mudadii ay jirtay Somaliland ee ah dhawr iyo labaatanka sanno,marka uu dalkii marxaladaasi isa saran marayo waxa xisbiyadda Somaliland iyo madasha wada tashiga la gudbaan inay qabtaan kacdoon la dhan ah nidaamka siilaanyo oo dadka iyo dalkaba lagu badbaadinayo. Hadii aan sida maanta dalku yahay wax laga bedlin waxa dhici karta maalin aan waxba lag qaban Karin oo dadka shacabka ah ee cabudhsani furka tuuro oo loo tag waayo oo la waayo in kacdoonkaasi damisa,marka in at ay goori goortahay wax halaga qabto nidaamka siilaanyo ee dalkii burburinaya ee sharcii dalka iska laabay ee maalinba wax uu doono samaynaya ,waxaasi oo dhan looma dulqaadan karo ee ha laga kaco fadhiya. Dadka qurba joogta ahi iyaguna dhinacooda ha ku mudaharaadaan wasiirada u soo tamashla taga isla markaa runta ha u sheegaan oo xaqiiqda farta ha saaraan waayp waxya moodayaan in aysan qurba joogta Somaliland waxba kala socon waxa dalka ka socda oo waxay isiin soo doontaan lacag ay ku maxaabsadaan wadooyin ayaanu dalkii ka dhisanaa waa beentood ee waxay sii balaadhiyeen boobkii hantida umadda ee ay ka wadeen gudaha dalka ayay doonayaan inay u soo waaridaan dalka dibadiisa,ee sidaasi u ogaada qurbakoogow. By: Axmed C/risaaq Maxamed Email:axmed-1994@hotmail.com Hargeysa/Somaliland

Xisbiyadda Mucaaradku Ha Abaabulaan Kacdoon Lagu Ridayo Nidaamka Siilaanyo Kol Hadii Uu Jabiyey Shuruucdii Dalka…