download

HGSA, Dhaqdhaqaaqa Xisbiyada iyo Maanta.

(SOHTA) 24.08.2017 . Xaflad Maanta lagu qabtay Maansoor, oo ay dad badani ka soo qaybgalee, waxaa maanta lagu soo dhaweeyey xubno cusub  oo ku soo biirey Xisbiga Wadani oo ay ka mid yihiin .Axmed Jambii oo ahaa Wasiirkii Arrima Gudaha ee Dowladii Cigaal, xabdilaahi Cirro oo ahaan jirrey Wasiirkii arrimaha Gudaha Dowladii Rayaale, Abgaal oo ahaa wasiirkiboosaha iyoi  isgaadhsiinta dowladan Axmed Silaanyo i lagu soo dhaweynayey yo xubno kale .Madaxda Xisbiga Wadani ayaa xubnahaas aad u soo dhaweyey Islamaanta waxaa socod lug ah ku dhexmarey socod lug ah Muuse Biix oo ah guddoomiyaha iyo murashaxa Kulmiye.adka socodkaa ku weheliyey waxaa kamid ah Jamaal Cali Xuseen. Meelaha  ay ku hakadeen Makhaayada daljirka dahsoon in ta ay magaalada dhexsocdeen iyadoo dad dhalinyaro u badan ay salaamayeen socodkoodii waxa ay ku danbeeyeen Hotel Hadhwanaag halkaas ooy ka qadeeyeen , maamulkii Hotelka iyo dadbadani ay soo dhaweeyeen Gudoomiye Murashax Biixina  hadal gaaban dadkii u jeediyey soo dhaweeyey.

Waxa kale oo iyana maanta HGSA kau dhawaaqay Xubanimadii iyo xilkii ay u hayeein inay iska casileen Wadani 3 Xubnood oo sheegay in ay ka soo jeedaan gobolka hawd , sheegayna in ay golaha dhexe iyo gudida fulinta . Xubnahaasi meel ay u digga roganayaan ma aysan cadeyn .

Gabagabo, Gudoomiye Cirro oo ka hadlay madashii xubnaha cusub ee Wadani ku soo biiray lagu soo dhaynayey ayaa isaga oo ka hadlaya khilaafkii G/Wakiilada kadhacay ee ku saabsanaa arrinka gudoomiyaha golaha wakiilada tibaaxay in dhacdadaasi  ay” qaawisay Guurtida iyo maxkamada sarre,” Markey arrintaa gacan ka geysan waayeen. Waxa kale uu dhaliilay dekeda Berbera iyo hoos u dhaca ku yimmi  intii maamulkeeda lagu wareejiyey shirkada maamumusha. Haddalkii waxa  uu ku soo gabagabeeyey in xisbigiisu balanqaadayo in uu hirgelin doono, haddii uu Xilka qabto ,’ nidaamka hawlgabka’shaqaalaha 20018ka .

 

 

 

 

Leave a Reply