Missing image

codsi

All ha u Naxariistee waa Macalim Axmed Nuur oo ku Magacdheeraa Macalim Xabashi- qiyaastii dhamaadkii 20aad kii qarnigii 20aad ama 30aadkii bilowgiisii ayuu HRGSA yimid.wuu

- Nin Amxaara ah oo Qalaado leh  ayuu ETIOPIA u shaqeyn jirey

Sheekh Cabdi Salaan Xaaji Jaamac oo Sheekhal balaadkii Jigjiga ah ayuu gacantiisa ku islaamay.

Sheekh Cabdi Salaan Ciidamadii HRGSA ayuu u soo direy isagoo cabsi ka qaba in uu Ninkii uu u shaqeyn jirey in uu Jigjiga u ka xaysto.

Culimadii HRGSA waxay ku dartay malcaamadii Macalin Maxamed Cabdiraxmaan (Macalim Laangadhe) oo ahaa Cumar Dheere aabahii.

Maalcaamadu waxa ay ku taalay Bustaan dhexdii ,bustaanka uu lahaa Cabdi Warsame (Ildab) Alaaah ha u naxariistee ardaygaasi quraankana wuu baran jirey beertana wuu waraabin jirey.

Markii uu aflaxay ayuu qabsaday Malcaamad aan ka fogeyn tii uu ku bartay oo dooxa qarkiisa saaran.

Macalinkiisiina Carro ogaadeen uu u guuray.

Malcaamadii Macalin Axmed Nuur waxa ay noqotey malcaamada ugu weyn ee HRGSA kutaal ee wax lagu barto (Quraan)

-Macalin Axmed Nuur wuu guursadey tiraba 3dex xaas uu yeeshey 2baa caruur u yeeshay .

Caruurtiisii khadar macalim Axmed Nuur ayaa deganaa isaga iyo Xaaskiisa Meeshii Maalcaamadu ahayd;Khadar oo geeriyooday qiyaastii 2002gii .

Cabdina wuu ka horeeyey walaalkii Khadar,Cabdi oo ahaan jirey macalin dayaana oo shaqeyn jirey Wasaarada Waxbarashada.

Hilaal Cabdi Macalin ayaan isbaraney intii aan HRGSA joogey eenen Reerkeyga kusoo noqon isla markaa inan uu dhalay Khadar Macalim uu ii keeney Hilaal ayaan qorey macalin dayaana ,ana ahaa Wasiirka Waxbarashada S/Land.

INTII AAN JIREY EEN TUKANAYEY SALAAD AANAN  U DUCEYN MAJIRTO ILAAHAY QABRIGIISA WAASAC HA UGA YEELEE.

 

Leave a Reply