Missing image

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Xariga Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame

Isniin, December, 18, 2017 (HOL) – Wasaaradda Amniga xukuumadda Somaaliya ayaa goor dhaw war ka soo saartay xariga Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo weerarkii xalay ciidamada dowladda ay ku qaadeen Hoygiisa.

Warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in in hey’adaha amniga iyo xeer ilaalinta ay maalmahan wadeen baaris dambiyo lagu tuhunsan yahay muwaadiniin, kaasoo ku aadan falal dambiyeed qiyaano qaran, khal khal gelin iyo bur burin.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim ayaa saxaafada u akhriyay war saxaafadeedka, ayaa sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu si cad uga horyimid ruqsadii loo heystay in gurigiisa la baaro inuu ka soo horjeestay, isla markaana ciidankii ilaalada u ahaa ay bilaabeen rasaasta,

Waxaa uu sheegay in isagoo bad qaba C/raxmaan C/shakuur ay ciidamada amniga gacanta ku soo dhigeen, sidoo kale ay hey’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aamisan yahay inay ka qeyb weyn ka qaadan doonto baaritaanka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
diini@hiiraan.com

Leave a Reply