download (36)

Cudurkan ina haleelay goormaa dawo loo heli.W.Q. A.Y.Ducaale

Ingiriisku markuu inna xukumayay qabiilka uu yahay warbaahintu maraacin jirin. Inta aynu waqooyi Koonfur ku mideysneyna qofkii xil loo magacaabo qabiilkiisa warbaahinada laguma sheegi jirin. Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin inta ay dalka madax ka ahaayeen  ma arag qof xil loo magacaabay oo qabiilkiisa warbaahintu raacisay. xukuumadii Axmed Maxamed Maxamuudna  marmar wey soo bixi jirtay in xitaa wafti xukuumada ka tirsan  oo hawl dibada ugu baxay xubnihiisa loo abtiriyo oo ay warbaahinta qaarkeed tibaaxdo hebel oo reer hebela iyo hebel oo reer hebela ayuu waftigu ka kooban yahay ee waftigii kale mee?

Maxaa inagu dhacay ? Xigmadda ku jirtaa waa maxay qof shaqaale ah oo caadi ah , agaasima guud iyo wixii ka hoseeya in war baahintu u abtiriso? Markeynu wasiiradii beeleyney ee falsafadeenii siyaasiga ahayd isagu soo ururtay,’ HALAGA WADA MUUQDO‘Miyeynu falsafadaa ku dabaqaynaa imikana shaaalihii caadiga ahaa ?Soo ma cadda ama uma eeka ‘ fikradii 4.5‘ inagoon is ogayn Cudur baa inna haleelay Alla Ha Inaga daweeyo.??????????

Leave a Reply