cadda

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay degmada Cadaado kadib khilaaf siyaasadeed oo soo ifbaxay 3

Talaado, Janaayo, 23, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay degmada Cadaado kaddib khilaaf siyaasadeed oo ifbaxay.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato odayaasha iyo waxgaradka degmada Cadaado ee ka soo horjeestay heshiiskii dhawaan ay gaareen madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna ee ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb.

Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Cadaado ayaa wata shuruudo adag, sida in Cadaado la cadeeyo maqaamkeeda, maadaama ay meesha ka baxeyso inay sii ahaato xarunta KMG, iyadoo loo guuray caasimadii Maamulka ee Dhuusamareeb.

Odayaasha deegaanka ayaa sidoo kalea tabasho ka qaba habka awood qeybsiga ee maamulka Galmudug iyo dowladda Dhexe oo beesha aanay wax xil muhiim ah ku laheyn, sidoo kale ay weysay in Cadaado sii ahaato xarunta maamulka oo markii hore KMG aheyd.

Lama oga sida madxweynuhu u wajihi doono khilaafka adag soo kala dhaxgalay durbaba odayaasha Cadaado iyo maamulka Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Cadaado uga sii gudbo degmada Hobyo, halkaasoo uu ku soo afjari doono socdaalkiisa qaatay mudada labada todobaad ka badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
diini@hiiraan.com

Leave a Reply