unnamed

Daawo Ninkan

Ninka halkan hoose ku sawiran waa Axmed Cali abokor (Carab) heebtiisu Waa – Zubeer Awal -Sacad Muuse -Cabdale Sacad -Reer Ugaadh.

Wuxuu Axmed Carab dhashay 1880 waxaanu Ku dhashay Dalka Turkiga . Aabihii Cali abokor lo’doon reerkoodu waxay daganaayeen Ceelsheekh oo dhanka Galbeed kaga began Buluxaar. Aabihii Cali abokor wuxuu ku biiray ciidankii Dowladii masarida ee hoos iman jirtay Dowladii cismaaniyiinta kana talin jirtay xeebaha Somaliland. Waxaana loo qaaday istaanbul. Wuxuu ku guursaday siday noo xaqiijiyeen reerkoodu naag madow ah . Waxaynay u dhashay 3 caroor ah oo uu ka mid yahay Carab . Axmed Ali wuxuu ahaa duuliyihii a bid ugu horeeyee madow ah isla markaana ka mid noqda saraakiisha waaweyn ee difaaca cirka quwadii Muslmika ee dowladii Cismaanniyiinta. Waxaa uu ka qayb qaatay dagaalkii koobaad ee aduunka 1917 . Ilaahay ha u naxariisto aamiin aamiin

Image may contain: 1 person
Image may contain: 2 people
Image may contain: 4 people
Image may contain: 6 people
how more reactio
Fiiro gaar ah . dhaqan uma aha SOHTA in ay qalin ku balaadhiso magac  Qoys ardaa beel midnaba .Waxaanu ninkan warkan ku saabsanyahay uu abtirinay in dadkuu kasoo jeeday haddii ay waxka nool yihiin ay isku dayaan in ay laxidhiidhaan hadii ay tafiiri muwaadinkaa ka hadhay . sabata ugu weyn ee warkiisa u faafineynaana waa ka mid ahaanta uu noqday sarkaal ka tirsan ciidamadii cirka ee dowladii cusmaaniyiinta kana qeyb galay dagaalkii 1aad ee aaduunka isaga oo duuliya ah taas oo astaan u ah Khilaafadii islaamiga ahayd ee Turkeyga somalilandhorta.

Leave a Reply