flag

Gadhba Gadhbaa La Tusaa, Golayaasheenii Halkay,Guur-Helooyin Jiraan, Taloow Yaa Garanaaya?

Lahaaabadii gole ee Xamar maanta fadhiistay, go’aamada kasoo baxay ee u wajahnaa heshiiskii 3dex geesoodka ahaa ee J S l la gashay DP World iyo Ethiopia, Weynu wada maqalay waanaynu wada akhrinay go’aamadaasi waxa ay daba socdeen oo ay toos u taageerayeen mowqifkuu ka qaatay maamulka Xamar heshiiskaa isaga ah ee toos iyo badheedh labadaba u weerarey, Jiritaanka Somaliland guntii suna ahayd Somaliland waa gobol kamida Soomaliya .

Gudoomiyaha Guurtidu Arrintaa wuu ka hadlay waanu ka jawaabay ahaana waajibkiisii wuu ka soo baxay. Xildhibaan Cismaan Shaadh wuu ka jawaabay isagoo ku mahadsan xubne kale oo 2da gole ka tirsanina wayjawabeen. Dadweynuhu wuxuu is weydiinayaa 2deenii gole ee xeer dejinta  iyagoo mideysan oo fadhi iskugu yimaada,maxaa ilaa imika loo laalayahay oo mowif ay ku taageerayaan inay JSL u madax banaantahay cidey doonto in ay heshiis lageli karto qaataan. May ahayn cagajugleyntii beenbeenta ahayd ee Farmaajo iyo KHEYRE may ahayn in ay inoo raacdo hanjabaad madhan ooy 2 gole oo midna ladoorani inoo hanjabaan.Golaha guurtida iyo gulaha wakiiladu ha fadhiistaan oo ha gudbiyaan dareenka ummada een ogalayn in ay cidina kusoo xadgudubto gobanimadeeda iyo a qaranimadeeda.

Leave a Reply