ssss

Ujeedka Kulan Madaxweynaha Somaliland la Yeeshay Xisbiyada iyo Shirguddoonka Baarlamaanka

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyeyaasha laba Aqal ee Baarlamaanka Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka waxa lagaga hadlay sidii Meel looga soo wadajeesan lahaa Arrimaha khilaafaadka ee hadda ka taagan Mandaqadda.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada  oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxweynaha Somaliland ayaa lagu yidhi

” Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland” .

Hassan Galaydh

HCTV, Hargeysa

 

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

 

Leave a Reply