Caabi

Eray sagooti ah

Idan Eebe aakhiro hoygaa jannadii ha ahaado aamiin aamiin. Waa xus shakhsi ah oo aan xusayo walaal Cabdiraxiim Caabi Faarax hadal aan la hadlo waxaa iigu dambeysay 2dii may 2018. Waxuu eebeheen oofsaday Marxuumka maalintaa aanu wada hadalay 9 ama 10 cisho dabadeed. maanta oo arbaca ah 16kii may 2018  ayaa lagu aasayaa magaalada New York uu muddo dheer uu immika deganaa marxuumku waxa uu dhashay 22 october 1919, waxa ogga dhinnaa 99kii sanno cimrigiisa inta innaga xigta 22 october 2018

Shaqada  waxa uu ka bilaabay maamulkii ingiriiska ee somaliland  ilaa uu 60kii markaynu xoroobney maddax ka noqday waaxdii warfaafinta sland uu muddo ka ahaa ku xigeen, isla markaana uu masuulka ahaa soo saarkii  wargeyskii somaliland news

Oo af ingiriisi iyo carabi kusoo bixi jirrsanaa rag lagu tilmey.Israaci kadibna waxaa loo magacaabay safiirka somali ufadhiya Ethiopia uu noqdo.Sadex sanno ka dib ayaa haddana loo magacaabay safiirka soomaali ufaaadhiya Un-ka  kadibna maamulka Unka ayuu ku biirey halkaas oo uu ka noqday assistant general secretery uu ka dibna hawlgabkii galay marxuumku waxa auu katisanaa ragga lagu tilmaamikaro (Da’santii S/Land ama somaliyeed)ee saameynta weyn ku lahayd dadka iyo dalkaba , iyaga oo na arkaay ama na maqla midna aan odhan qofka ay shaqo ku kulmeen ayuunbaa qiimeynkara marxuumka .Madaalo ayuu ahaa aan ax iyo ux midna aqoon .Somaliland News, Al-Liwa meelbaa lagu wada daabici jirrey.goobtaa waanu ku kulmi jirrey. arrima dibbadana waanu ku kulanay.sidaasaan hawl kar nimadiisa ku ogaaday. 2da goorba Macalinbuu noo ahaa . qof si walba ku dayasho mudan buu ahaa gaar ahaan marka ay shaqo joogto wax dhaxal ah buugbuu inooga tegay dhawaan soo bixi doona .Alla ha u naxariisto marxuum cabdiraxiim caabi faarax.By Axmed Yuusuf Ducaale

Leave a Reply