daqiiiq

BERBERATODAY.COM HAAYADA DHAWRISTA TAYDA BADEECADAHA SOMALILAND OO AMARTAY INAAN DEKEDA LAGA SOO SAARI KARIN KARIN BADEECADAH ISUGU JIRTA DAQIIQ IYO SONKOR QOYAN OO GANACSATO SOMALILAND AHI KEENEEN

Berbera(Berberatoday.com)-Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa Dekeda magaalo ganacsiyeedka Berbera Ku qabatay markab sida Daqiiq iyo Sonkor Xumaatay Alaabta oo intii u markabku Badda Ku soo jiray si xad dhaafa u soo qoyday islamrkaana xumaatay oo ur samaysay ayaa awaxay haayada dhawrista tayada Somaliland amartay in aan dalka la soo galin karin maadama oo badeecadani xumaatay oo xanuuno laga qaadi karo islamarkaana aan haba yaraate iib gali karin.

Badeecadan oo siugu jirtay Daqiiq iyo Sonkor ayaa waxa lahaa qaar kamida ganacsatada Somaliland ee dalka usoo iib geeya badaecadaha kala duwan waxsaana siday markab la sheegay inuu ka soo qaaday wadanka Masar oo lagu farsameeyay.

Masuuliyiinta Haayada Dhawrista Tayada Badeecadaha iyo alaabooyinka kale ayaa amartay in Badeecadan aan dalka lagalin karin waajibna ay tahay in la gubo ama dib loogu celiyo markabkii siday waxaana lagu wargaliyay Ganacsatadii badeecadan lahayd oo damacsanaa inay dalka galiyaan iyada oo noocaasa kana iibiyaa shacabka Somal;iland ee danyarta ubadan lagu wargaliyay inay candhuuftooda dib uliqaan oo badeecadaas go,aan ama gubisa ama celin ah ka soo gadhaan badeecadan oo isugu jirta Daqiiq iyo Sonkor xumaatay oo isku milantay waxa ay hada taalaa Bakhaarka Dekeda Berbera hortiisa ila hadana goaan kamay gaadhin ganacsatadii lahayd haayada tayduna amarkaas hore mooyaane dib ugumay noqon.

Ganacsatada Somaliland ayaanay waxba ka xumaanin badeecad kasta oo qoyada ama dhacdana way farsameeyaan oo dadka shacabka ah ayay dib uga iibiyaan iyaga oo ama galka ka bedela ama qalajiya oo inta qoyan ka gura.

Berberatoday.com

Leave a Reply