Flag_of_Somaliland.svg

Shirbeeleedku innaguma cusba.By: A.Y.Dualeh

Shir beeleedyadu innagama cusba intii xukuumadii marxuum Cigaal jirteyna shir beeleedyo waa weyn oo qabsoomay may jirin. Markii ay soo dhawaatay doorashadii ay ku tartamayeen KULMIYE,UCID iyo UDUB ayaa shir beeleed lagu qabtay gar adag. Waxaa bilaabmay shirbeeleed is daba jooga oo ay ka mid ahaayeen kii Daalo ku qabsoomay oo magaciisu ahaa  talo iyo tawfiiq, hoodaale oo ku qabsoomay agabar iyo tala wadaag oo ku qabsoomay bali gubadle shirbeeleedyo kalena waxay ka dhaceen gobolada bariga iyo galbeedka  shirbeeleedyadaa .

Madaxda xisbiyada qaarkood toosbay uga qayb galayaan . Hadaaney Madaxyada xisbiyadu ka qeybgelina Gudiyada ee fullinta iyo golayaasha dhexeba iyaguna toos bey uga qeyb galeyeen qaarkood. Waa halkaa  halka ay nidaamka xisbiyada iyo qaab beeleedku ay iskaga milmeen ee uu qofkii caadiga ahaa  iyo siyaasigii qof kala katisan xisbi,kola ka tirsan beel oo laba shaqsi l noqday kola Xisbiyahan kola beelyahan  shir beeleedyadii midwaliba waxa uu dhalay guddi beeleed leh gudoomiyaheedii iyo xubnaheedii oo xisbiyadii uu noqotey halka ay taageerada ka deydayayeen .waxaa intaa inoo raacday mashaariicdii hore u marinta ee dadweynuhu qabsanayey

oo iyana aynu beeleeynay Tusaale ahaan  wadada HGSA uga dhaadhacda waqooyi yaa dhisaya ? Wadada HGSA iyo Salaxley yaa dhisaya ?Wadada HGSA iyo bali gubedle u dhaxaysa yaa dhisaya? Alleybadey iyo HGSA isku xidheysa yaa dhisaya wadada keli ah ee dawladi ee ay tunka u ridatey in ay dhisto waa taa dheer ee Ceeerigaabo kasoo baxda ee xagga Burco usoo jeeda . (LASOCO)

 

Leave a Reply