Missing image

Mudaharaadayaasha Suudaan: Waxaan degdeg ku dooneynaa dowlad rayid ah

8 Saacadood ka hor
La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Email La wadaag
Lahaanshaha sawirkaAFP/HO/SUDAN TV
Image caption
Sareeya Gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan
Hoggaamiyeyaasha mudaharaadyada ka socda magaalada Khartoum ayaa mudaharaadayaasha ka codsaday iney laba maalmood ku sii sugnaadaan waddooyinka waaweyn ee Khartoum.

Tillaabbada cusub ee ay mudaharaadayaashu ku dhawaaqeen ayaa imaneysa laba maalmood kaddib marki ay ciidamada Suudaan ay xilka kala wareegeen Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Waxayna mudaharaadayaashu dalbanayaan in si degdeg dowlad rayad ah oo ku meel gaar ah loo dhiso oo ay ciidamada xilka wareejiyaan.

Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Mudaharaadayaasha ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Khartoum
Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir waa laga tuuray xilka, laakiin dadkii ku mudaharaadayay xukunkiisa wali ma qanacsana wayna sii wadaan mudaharaadyadooda.

Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah: “xukunkii milatariga ma waxaa lagu wareejinayaa milatari mise shacab?, isbaddalkuse ma yahay isbaddalkii loo baahnaa?”.

Waa kuma madaxweynaha Sudan ee la afgambiyay?
Dadka ayaa wali saluugsan tallaabadii ay shalay milatariga Suudaan xilka uga tuureen cumar Al-Bashiir isla markaana xabsiga ku dhigeen.

Wasiirka gaashaan dhigga ahna madaxweyne ku xigeenka Cawad Ibnu Cawf ayaa ku dhawaaqay in maamulka ay la wareegeen milatariga oo muddo 2 sano ah gacanta ku heyn doona.

Laakiin taas ayaa loo arkay arrin aan waxba ka duwaneyn xukuumaddii hore ee Al-Bashiir, oo iyada qudheeda ahayd mid milatari.

Waxaana sida oo kale xilka isacasilay madaxa sirdoonka dalkaasi Generaal Salax Goosh.

Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Sareeya guud Saalax Goosh
Iscasilaadda Generaal saalaxna waxay timid saacada un kaddib marki uu sargaalka ciidamada xilka Suudaan la wareegay hoggaaminayey oo ahaa wasiirka gaashaan dhigga Cawad Ibnu Cawf uu xilka iska casilay. Isaga oo aan sheegin sababta uu iisu casilay.

Muxuu sawirka gabadhan astaan ugu noqday kacdoonka Suudaan?
Shabakadda wararka ee gaarka loo leeyahay ee 365 ayaa maanta shaacisay iney Axadda barri ah ay hoggaamiyeyaasha mucaaradka la kulmayaan saraakiisha ciidamada ee isbeddelka hormuudka u ah.

Waxayna sheegeen iney kala hadli doonaan sidi dalka looga soo dabbaali lahaa isbeddel la taaban karo oo ay ka mid tahay in la dhiso dowlada rayid ah oo ku meel gaar ah.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Sudan Congress Omar el-Digeir, wuxuu sheegay “iney ciidamadu noqon kuwa awoodda dalka isku dhajiya”

Ururka ay leeyihiin aqoonyahannada Suudaan SPA oo mudaharaadyada qayb weyn ka ahaa ayaa ku baaqay iney ciidamada ka shaqeeyaan sidi ay dalka uga hirgeli lahayd dowlad rayad ah oo ku meel gaar ah.

Afhayeen u hadashay Midowga Afrika oo lagu magacaabo Ebba Kalondo waxay sheegtay “in la joogo xilligi ay dhinacyada Suudaan isku haya ay wadahadallo yeelan lahayeen”.

Lahaanshaha sawirkaCOURTESY LANA H HAROUN
Image caption
Aalaa Saalax oo ah gabadh hoggaamiso mudaharadyada
Maxay mudaharaadayaashu ka walwalsan yihiin?
Kumannaan ruux ayaa wali ku sugan waddooyinka waaweyn ee u dhow saldhigga ciidamada Milatariga ee waddanka Suudaan, iyagoo iska dhaga tiray bandow ay magaalada kusoo rogeen taliska milatariga.

Waxay dalbanayaan in xukunka lagu wareejiyo shacabka, iyagoo wacad ku maray in haddii sidaas la yeeli waayana aysan guryahooda ku laaban doonin.

Guddiga cusub ee milatariga, ee xukunka la wareegay ayaa waxaa horkacaya wasiirkii gaashaan dhigga Suudaan Cawad Ibnu Cawf, kaasoo markii hore loo arkayay inuu yahay qofka kaliya ee badali doona Al-Bashiir.

Intii uu socday dagaalkii Darfur, Cawad wuxuu madax u ahaa waaxda sirdoonka ee milatariga.

Maxaad ka taqaannaa dadka ka dambeeya isbadalka ka dhacay Suudaan?
Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogay ninkan, sannadkii 2007-dii, isagoo lala xiriiriyay inuu ku lug lahaa xasuuqii ka dhacay gobolka Darfur.

Sahra Cabduljaliil, oo oo ka tirsan ururka xirfadleyaasha Suudaan ee horkacaya mudaharaadyada ayaa Khamiistii sheegtay in maamulka Milatariga ee cusub uu yahay “xukunkii Al-Bashiir oo halkiisa kasii socda”.

“Marka waxaa loo baahan yahay in lasii wado dagaalka iyo diidmada nabadeysan ee ka dhanka ah xukuumaddan”, ayey tidhi.

Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Sarreeye gaas Abdle Fattah Abdelrahman Burhan oo Jimcihi la hadlay mudaharaadayaasha Khartoum
Maxay tahay falcelinta dibadda?
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa codsaday “in lasoo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta”, wuxuuna ku baaqay in xukunka loo wareejiyo “sida dimuqraadiyadda ku dheehan tahay” ee ay shacabku rabaan.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay arrintan Suudaan uga hadlaan kulan ay albaabada u xiran yihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska Jeremy Hunt ayaa sheegay xukun milatari oo 2 sano ah “aysan ahayn jawaabta saxda ah”, wuxuuna dalbaday in la qaado tallaabo quman, oo ay shacabka raalli ka yihiin.

Haddaba Al-BAshiir maxaa ku dhici kara?
Madaxweynihi hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ee xilka laga qaaday waxay maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ay ku soo oogtay dacwad ku saabsan inuu gabood fallo xuquuqda aadanaha uu ka geystay gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

Balse golaha ciidamada ee xilka la wareegay ayaa sheegay ineysan dhiibeyn Mr Bashiir, oo dalka Suudaan ay k uhaynayaan.

Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Sarreeya Guud Ibnu Cawf
Mr Ibn Cawf oo ahaa madaxa sirdoonka ciidamada Suudaan ahaa xilliga uu dagaalki Daarfuur socday wuxuu Mareykanka uu 2017-dii uu ku soo rogay cunaqabateyn.

Image caption
Qariiradda Suudaan
Mowduucyada la xiriira
Midowga AfrikaAfrikaSudan-ta Koonfureed
La wadaag qodobkan Faahfaahin

Leave a Reply