Missing image

Kismaayo: Kooxo hubeysan oo weeraray hotel Cas-casey


Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya in maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin ururka al-Shabaab ay weerar ku qaadeen hotel Mariidiyaanka ee Ex-Cascaseey, oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray hotelka, ka hor inta aysan rag bubeysan gudaha u galin.

Ciddamada ammaanka Jubbaland ayaa weerarka ka jawaabaya, waxaana la sheegaya in uu dagaal dhex marayo kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Hotelka ayaa waxaa degenaa, dad qurba jooga ah, iyo qaar ka mid ah murashixiinta doorashada Jubbaland.

Weli lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka. Waxaana adag gelista qadka taleefanadda ee magaalada.

Wixii ku soo kordha inta ay idaacadeenna socota ayaad dhageysan doontaan.

Leave a Reply