kjii

Webi isku xira labada Kuuriya oo gaduud isu badalay

Lahaanshaha sawirkaYEONCHEON IMJIN RIVER CIVIC NETWORK
Webi u dhow labada Kuuriya ayaa isu bedelay guduud ka dib markii dhiig aad u tiro badan uu ku shubmay.

Dhiiggan ayaa ka baxay doofaar tiro ahaan gaaraya 47 kun, kuwaas oo loo qalay cabsi laga qabo faafitaanka cudurka African Swine loo yaqaano.

Roobab da’ay ayaa keenay in uu dhiigga uu faafo, isaga oo inta badan bedelay midabkii webiga Imjin.

Xanuunkan ayaa la sheegay in uu yahay mid halis ah oo aad u faafa, islamarkaasna aanan wax dawo ah loo haynin, iyada oo haddii uu ku dhoco doofaarka (kuwa la dhaqdo) uusan marnaba badbaadeynin.

Balse waxaa la sheegay in xannuunkan uusan halis ku ahayn bini’aadamka.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dhiiggan webiga ku faafay uusan halis galinaynin in cudurka uu ku faafo xoolaha kale ee la dhaqdo.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Waxay sheegeen in doofaarka dawooyin lagu shubay ka hor intii aanan la goowricin.

Xanuunkan ayaa dhowaan laga heley Kuuriyada Koonfureed, waxaana la hadal hayaa in uu u gudbay dhanka Kuuriyada Waqooyi ka dib markii doofaaro ay ka gudbeen xadka aadka loo illaaliyo ee labadan dal.

Laakiin militariga ayaa amar lagu siiyay in ay toogasho ku dilaan doofaar kasta oo la arko isaga oo u talaabaya dhanka kale.

Kuuriyada Koonfureed waxaa ku yaala 6,700 goobood oo lagu xanaaneeyo ama lagu dhaqdo doofaarka.

Leave a Reply