shabeel

6 Saacadood ka hor La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Email La wadaag Image caption Shabeelka wuxuu isaga gudbay laba gobol oo Hindiya ka tirsan. Shabeel ayaa masaafadii ugu dheereyd u lugeeyay, gudaha dalka Hindiya, waana safarkii ugu dheeraa ee abid la diiwaangeliyo. Wuxuu socday 1,300km, shan bilood gudahooda. Khubarada waxay aaminsan yihiin in shabeelkan ay suuragal tahay in uu raadinayay saaxiibtiisa, wax uu cuno ama dhul uu ku noolaado. Shabeelka, oo lagu xiray qalab, wuxuu meeshii uu degganaa ee galbeedka gobolka maharashtra ka tagay bishii June. Ka dib waxaa lala socday dhaqdhaqaaqiisa, wuxuuna isaga gudbay, beero, biyo iyo jidad waaweyn, isagoo u sii tallaabay gobol kale. Illaa iyo hadda, shabeelkan wuxuu hal mar oo keli ah la dagaallamay bini-aadam, xilligaas oo “si lama filaan ah uu u dhaawacay” hal qof oo la socday koox ugu gashay meel uu ku nasanayay. Shabeelka oo magaciisu yahay C1, wuxuu ka mid yahay seddaxda shabeel ee labka ah ee ay dhashay T1, taas oo ah Shabeel dhedig ah oo ku nool keynta Tipeshwar, halkaas oo toban kale ay kula nool yihiin. Waxaa qalabka casriga ah lagu xiray bishii February, wuxuuna keynta dhex wareeganayay illaa roobabkii Monsoon “xilligaas oo uu helay meel uu kaga gabbado fatahaadaha”. Xaywaankan wuxuu keynta ka baxay dhammaadkii bishii june, tan iyo xilligaasna wuxuu ka gudbay toddobo degmo oo ka tirsan maharashtra iyo gobolka Telangana. Dhammaadkii isbuucii la soo dhaafay waxaa mar kale lagu arkay Maharashtra. In uu go’o xiriirka lagula socdo Saraakiisha duur-joogta waxay sheegayaan in Shabeelkan uusan u safrin “qaab toosan”. Waxaa saacad kasta lagula socdaa qalabka GPS-ka ee Dayax-gacmeedka, waxaana la diiwaan geliyay in uu 5,000 oo goobood uu tagay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay. “Shabeelka waxaa suuragal ah in uu raadinayo lammaane dhaddig ah, deegaan ama wax uu cuno. Inta badan meelaha uu shabeelka ku nool yahay ee Hindiya way buux dhaafeen, waxaana laga yaabaa in uu meelo kala duwan indha-indheynayo,” ayuu yiri Dr Bilal Habib, Sarkaal sare oo ku takhasusay Biology-ga noolaha duurka, kaas oo la hadlay BBC. Shabeelkan wuu dhuuntaa maalinkii, habeenkii ayuuna safraa, wuxuuna dilaa doofaarka iyo lo’gisida oo cunno uu ka dhigto. Dr Habib wuxuu xaqiijiyay in hal mar uu la dagaallamay dad ugu galay meel uu ku nasanayay, laakiin ma jirin dhibato weyn oo uu geystay, marka laga soo tago dhaawaca fudud ee halka qof gaaray. “Dadka xita ma oga in uu daaradda gurigooda ku dhex socdo,” ayuu yiri. Lahaanshaha sawirkaAFP Image caption Shabeelka Hindiya ku nool waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 70% caalamka oo dhan Si kastaba, saraakiisha duur-joogta waxay sheegayaan in loo baahan yahay in la qabto shabeelkan oo la geeyo keynta ugu dhow ee xiran “si looga fogaado dhacdo halis ah oo uu geysto,” Shabeel dadcun ah oo maxkamad dil ku xukuntay Musiibo sababtay inuu Shabeel ku seexdo sariir ay qoys leeyihiin Haweenay ul isaga difaacday shabeel soo weeraray Waxay sidoo kale ka baqayaan in ay waayaan xiriirka qalabka GPS-ka, maadaama radiyowga ku xiran uu beteriga ka dhammaaday boqolkiiba 80%. Tirada shabeelka Hindiya ayaa sare u kacay, laakiin keymaha ay ku noolaan karaan ayaa aad u sii yaraanaya, wax ay ugaartaanna ma helaan xilli kasta, sida Khubarada ay sheegayaan. Shabeel kasta wuxuu u baahan yahay xaywaan kale oo uu ugaarsado oo gaaraya 500 in ay ku noolaadaan nawaaxigiisa, si loo xaqiijiyo “in uu cunto ku filan helo”, ayey sheegeen Khubarada. Mowduucyada la xiriira

6 Saacadood ka hor
La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Email La wadaag
Image caption
Shabeelka wuxuu isaga gudbay laba gobol oo Hindiya ka tirsan.
Shabeel ayaa masaafadii ugu dheereyd u lugeeyay, gudaha dalka Hindiya, waana safarkii ugu dheeraa ee abid la diiwaangeliyo. Wuxuu socday 1,300km, shan bilood gudahooda.

Khubarada waxay aaminsan yihiin in shabeelkan ay suuragal tahay in uu raadinayay saaxiibtiisa, wax uu cuno ama dhul uu ku noolaado.

Shabeelka, oo lagu xiray qalab, wuxuu meeshii uu degganaa ee galbeedka gobolka maharashtra ka tagay bishii June.

Ka dib waxaa lala socday dhaqdhaqaaqiisa, wuxuuna isaga gudbay, beero, biyo iyo jidad waaweyn, isagoo u sii tallaabay gobol kale.

Illaa iyo hadda, shabeelkan wuxuu hal mar oo keli ah la dagaallamay bini-aadam, xilligaas oo “si lama filaan ah uu u dhaawacay” hal qof oo la socday koox ugu gashay meel uu ku nasanayay.

Shabeelka oo magaciisu yahay C1, wuxuu ka mid yahay seddaxda shabeel ee labka ah ee ay dhashay T1, taas oo ah Shabeel dhedig ah oo ku nool keynta Tipeshwar, halkaas oo toban kale ay kula nool yihiin.

Waxaa qalabka casriga ah lagu xiray bishii February, wuxuuna keynta dhex wareeganayay illaa roobabkii Monsoon “xilligaas oo uu helay meel uu kaga gabbado fatahaadaha”.

Xaywaankan wuxuu keynta ka baxay dhammaadkii bishii june, tan iyo xilligaasna wuxuu ka gudbay toddobo degmo oo ka tirsan maharashtra iyo gobolka Telangana. Dhammaadkii isbuucii la soo dhaafay waxaa mar kale lagu arkay Maharashtra.

In uu go’o xiriirka lagula socdo
Saraakiisha duur-joogta waxay sheegayaan in Shabeelkan uusan u safrin “qaab toosan”. Waxaa saacad kasta lagula socdaa qalabka GPS-ka ee Dayax-gacmeedka, waxaana la diiwaan geliyay in uu 5,000 oo goobood uu tagay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.

“Shabeelka waxaa suuragal ah in uu raadinayo lammaane dhaddig ah, deegaan ama wax uu cuno. Inta badan meelaha uu shabeelka ku nool yahay ee Hindiya way buux dhaafeen, waxaana laga yaabaa in uu meelo kala duwan indha-indheynayo,” ayuu yiri Dr Bilal Habib, Sarkaal sare oo ku takhasusay Biology-ga noolaha duurka, kaas oo la hadlay BBC.

Shabeelkan wuu dhuuntaa maalinkii, habeenkii ayuuna safraa, wuxuuna dilaa doofaarka iyo lo’gisida oo cunno uu ka dhigto.

Dr Habib wuxuu xaqiijiyay in hal mar uu la dagaallamay dad ugu galay meel uu ku nasanayay, laakiin ma jirin dhibato weyn oo uu geystay, marka laga soo tago dhaawaca fudud ee halka qof gaaray.

“Dadka xita ma oga in uu daaradda gurigooda ku dhex socdo,” ayuu yiri.

Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Shabeelka Hindiya ku nool waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 70% caalamka oo dhan
Si kastaba, saraakiisha duur-joogta waxay sheegayaan in loo baahan yahay in la qabto shabeelkan oo la geeyo keynta ugu dhow ee xiran “si looga fogaado dhacdo halis ah oo uu geysto,”

Shabeel dadcun ah oo maxkamad dil ku xukuntay
Musiibo sababtay inuu Shabeel ku seexdo sariir ay qoys leeyihiin
Haweenay ul isaga difaacday shabeel soo weeraray
Waxay sidoo kale ka baqayaan in ay waayaan xiriirka qalabka GPS-ka, maadaama radiyowga ku xiran uu beteriga ka dhammaaday boqolkiiba 80%.

Tirada shabeelka Hindiya ayaa sare u kacay, laakiin keymaha ay ku noolaan karaan ayaa aad u sii yaraanaya, wax ay ugaartaanna ma helaan xilli kasta, sida Khubarada ay sheegayaan.

Shabeel kasta wuxuu u baahan yahay xaywaan kale oo uu ugaarsado oo gaaraya 500 in ay ku noolaadaan nawaaxigiisa, si loo xaqiijiyo “in uu cunto ku filan helo”, ayey sheegeen Khubarada.

Mowduucyada la xiriira

Leave a Reply