niuy

4 Saac ka hor La Wadaag Arag Fikradaha Print Shacabka wadanka Bosnia ayaa maanta xusaya sanad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay xasuuqii Srebrenica, ee ay Seerbiyiintii Boosniya ku xasuuqeen in ka badan 8 kun oo isugu jiray rag iyo wiilal yar yar oo kasoo jeeday Muslimiinta Bosnia. Xasuuqaasi oo noqday kii ugu horreeyay ee ka dhaca Yurub, ka dib dagaalkii labaad ee dunida, ayaa xuska sanadkan loo ogolaaday in ay ka qeybgalaan dad aanan badneyn, sababo la xiriira ka hortaga faafiska coronavirus. Xasuuqa Muslimiinta Bosnia ayaa bilowday 11-kii July eesannadki 1995-kii, ka dib markii ay magaalada Srebrenica qabsadeen ciidamo iyo maleeshiyaad ka soo jeeday Seerbiyiinta Bosnia oo uu watay jeneraal Ratko Mladic. Mladic ayaa Boosniyiinta magaalada u sheegay in aysan baqin oo ay ammaan yihiin, xilli uu billaabay in uu dadka xasuuqo. Muddo 10 maalin ah ayay ku qaadatay in uu xasuuqo 8,000 oo Muslimiin ah oo ay ku jireen wiilal yaryar. Xuska maanta loo sameynayo dadkii la xasuuqay ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha caalamka oo adeegsanaya muuqaalka tooska ah ee internet-ka. Waxaa madaxda hadashay ka mid ah Ra’isulwasaaraha Canada Justin Trudeau, Ra’isulwasaaraha Spain Pedro Sanchez, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo Amiirka Britain Prince Charles.

 

Xog:Somalia oo diiday inay muqdisho ka degto Diyaarad Hub & Agab kale oo Ciidan siday oo Masar siisay

Diyaarad ka timid Masar oo sidda xirmo hub ah ayaa la doonayay in ay ka degto Soomaaliya bishii May. Lakiin laba kun oo AK47 ah, qoryaha madaafiicda rida, qoryaha kunjiyadda leh, bastoolado iyo hoobiyeyaal diyaaradda saarnaa lama dejin.

Waa la joojiyey, ayuu sarkaal Soomaali ah u sheegay Wargeyska The Sunday Telegraph ee UK, sababtoo ah waxa laga baqay ayuu yiri in dowladda Soomaaliya ay lugaha la gasho muranka u dhexeeya labada dal ee Africa ugu awooda weyn ee Masar iyo Itoobiya.

Wargeyska Sunday Telegraph waxa uu sheegay inuu arkay dokumentiyo muujinaya diidmada dowladda Soomaaliya ee hubka uga imanayey, balse ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Waxay u muuqataa in dowladda Soomaaliya ka baqday in Ethiopia ay u aragto inay ku dhowdahay Qaahira, sidaasna ku diiday hubka Masar.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay xiisadda labada dal, waxayna diiday qaraaro kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta, oo ay xubin ka tahay, kuwaas oo dhalleeceyn lahaa Addis-Ababa.

Masar ayaa ahayd awoodda heysta Nile muddo kumanaan sano ah. Laakiin awoodda oo lala ekaaday ayaa keentay in qul-qulka biyuhu fogaadaan.

Todobaadyadda soo socda marka xilli roobaadka la gaaro, Ethiopia waxay bilaabeeysa in ay buuxiso biyo xireenka ay dhowaan dhistay. Biyo xireenka oo ka mid ah kaabeyaasha ugu waa-weyn ee Africa ayaa Ethiopia siin doona awood ay ku demiso tubooyinka biyaha ee Masar waxayna dalalka deriska ah ku qasbi kartaa in ay tageeraan.

Muddo ku dhow toban sano, Ethiopia waxay dhiseysay derbi dhererkiisu yahay hal mile kaasi oo laba jeer ka culus taaladooda xoriyadda. Wax yar ayuuna u jiraa xuduudda Sudan.

Mashruuca biyo-xireenka oo loo yaqaan GERD waa dhammaad. Waxaa uu noqon doonaa biyo-xireen koronto laga dhaliyo kii ugu weynaa ee qaaradda Africa, wuxuuna qaadaa 72 billion oo cubic meters oo biyo ah, wuxuuna laba-laabayaa quwadda korontada aan xasilooneyn ee waddanka.

Biyo xireenku waxaa uu Ethiopia u yahay xamaasad qaran – waa hadal dad xaasidnimo loola dhaqmayay qarnigii lasoo dhaafay iyo talaabo ay horay ugu qaadeen warshadeynta.

Laakiin Masar oo dadkeedu yahay boqol million waxay ku dhawaad dhamaantood ku tiirsanyihiin biyaha nadiifka ah ee webiga Nile. Biyo xireenku waa “khatar muuqata” sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry.

Saraakiil Masar u dhashay ayaa sheegay in biyaha wabiga Nile oo yaraada ay uga sii dari karaan abaaraha waddanka, islamarkaana uu wiiqi karo beeraha iyo biyaha.

Hadda Ethiopia waxay qorsheyneysaa in ay buuxiso biyo xireenka heshiis la’aan. Todobaadyaddii u dambeeyay, diblomaasiyiinta iyo taxliiliyeyaasha waxay soo saareen digniin ah in si deg deg ah loo helo qaraar nabadeed.

Walaacooda si fiican ayuu u muuqdaa. Markii hore, Masaaridu waxay soo jeediyeen hanjabaad ah talaabo militari, iyagoo sheegay in Masar ay adeegsan doonto wax walba oo ay heli karto si ay u difaacdo amniga biyaheeda. Dad awood leh oo Dowladda u dhow ayaa kusii daray in dadka Masar ay dagaal ku baaqi doonaan haddii Ethiopia ay isku daydo in ay wadanka gaajo ka dhigto.

Raiisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka jawaabay. Sanadkii lasoo dhaafay waxaa uu yiri “ma jirto awood Ethiopia ka joojin karta dhismaha biyo-xireenka”, dalkiisana waxaa uu soo safi doonaa ayuu yiri malaayiin rag derajo sare leh si ay u difaacaan.

Ka sokoow isu goodinta, fursadda uu dagaal ku dhex mari karo Ethiopia iyo Masar waa ay yar tahay. In ka badan 1000 mile oo saxaraha Sudan ayaa kala qaybiya labada awoodood, Ethiopia ayaana u nugley weerar dhulka ah.

In cirka ay ka duqeyso biyo xireenka waa talaabo militari oo aad suurtagal ugu ah Masar. Si kastaba, taasi waxay saameyn baahsan ku yeelan doontaa amniga Gobolka, Qaahira ayaana ka heli doonta faa’iido muddo gaaban oo kaliya ah.

“Haddii Masar ay qaado duqaymo ka dhan ah biyo xireenka, Maxay noqon kartaa faa’iidada mudada dheer? Xitaa haddii ay duqaymuhu noqdaan kuwo aad wax u burburiya, Ethiopia waxay billaabi doontaa in ay biyo-xireen kale ka dhisto Nile. Kadibna Toban sano ka dib Masar waxay mar kale wajahi doontaa dhibaatadii oo kale, laakiin markaan xittaa lalama tashan doono,” ayuu yiri William Davidson oo ka tirsan ururka Xasaradaha Caalamiga ah.

Wareeg labaad oo wadahadal ah oo ay dhex-dhexaadinayaan Midowga Europe ayaa hadda socda.

Ma cadda cidda marka hore ka bixi doonta. Haddii aan heshiis la helin, xiisadda gobolka waa ay sii socon doontaa.

Diyaaradda hubka u siday Soomaaliya, oo lagu faah-faahiyay qoraallo dhowr ah oo ay heshay The Sunday Telegraph, hadda Masar ayey kusii negaan doontaa.

Leave a Reply