Missing image

DAAWO;-MAAMULKA DAWLADA HOOSE EE GABILEY OO QALAB SPORT UQAYBISAY KOOXAHA KA GAYBGALAYA TARTANKA.

Hargeysa(AN):-Dawladda Jamhuuriyadda Dadka China ee Shuuciga ah ayaa wefti heerkiisu
aad u sareeyo Somaliland u soo dirtay Somaliland Maanta.
Weftigan oo diyaarad khaas ah watay waxa hogaaminayay sarkaalka
safaaradaha debada u qaabilsan dalkaasi Shiinaha, waxaanay ujeedada
safarkooda ugu weyni la xidhiidhaa inay ka hortagto aqoonsi ay
Somaliland siiso dawladda Taiwan oo dhawaan xidhiidh diblomaasiyadeed
dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawladda Shiinaha Shuuciga ah ayaa ka cadhootay ka dib markii ay
Jamhuuriyadda Somaliland xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay
Jamhuuriyadda Shiinaha ee Dimuqraadiga ah ee loo yaqaano Taiwan bishii
ina dhaaftay ee July 2020.
Dawladda China ayaa waqtigaasi ku tilmaantay xidhiidhka
diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan mid aan waafaqsanayn
shuruucda caalamiga ah, waxaanay ku tilmaantay Somaliland argagixiso.
Hase yeeshee, markii uu sii xoogaystay xidhiidhka Somaliland iyo
Taiwan, waxa ay dawladda China tiraba saddex jeer soo dirtay
safiirkeeda u jooga Muqdisho, si uu ugu qanciyo Somaliland inay ka
noqoto xidhiidhkaasi, balse uma ay suurto gelin, waxaana saddexdii
maalmood ee ina dhaafayba dalka Somaliland ku sugnaa Safiirka China ee
Somalia Qin Jian oo wada hadalo la lahaa masuuliyiin ka tirsan
Wasaaradda Arrimaha Debada ee Somaliland. Balse wax natiijo ahi kama
soo bixin.
Dhinaca kale, sida uu ku waramay Abdi Rashid oo ah falanqeeya ka
faalooda arrimaha Geeska Afrika, gaar ahaana muddo dheer u soo shaqayn
jirey hay’adda caalamiga ah ee Qalaalasaha dunida Safiirka dalka China
ee Somalia Mr. Qin Jian ayaa Somaliland u hanjabay,, “Waxaanu ogayn in
madaxweynaha Somaliland uu ka soo mid ahaan jirey ururkii SNM, isla
markaana aanay hanjabaadu waxba ka dhimin” ayuu yidhi Abdi Rashiid oo
soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray “Madaxweynaha
Somaliland, waxa uu hanjabaada kaga jawaabay inuu amro in la diyaariyo
aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland siiso Taiwan”Hase yeeshee, sida ay ku warantay shabakada Somaliland Chronicals,

madaxweynaha Somaliland waxa uu gebi ahaanba diiday inuu la kulmo
Safiirka China. Taasi bedelkeedana Wasaaradda Arrimaha Debada ee
China, waxa ay go’aansatay inay u soo dirto wefti meeqaamkiisu aad u
sareeyo. Oo Somaliland kala xaala waxyaabaha ay wada qabsan karaan iyo
arrinta xiisaha badan ee Taiwan.

Talaabada uu qaaday Madaxweynaha Somaliland, waxa soo dhaweeyey,
xoogaga ka soo horjeeda dawladda Shiinaha Shuuciga oo uu ugu horeeyo
Gudoomiyaha guddida arrimaha debada ee Baarlamaanka UK Mr. Tom iyo
kooxaha u dhaqdhaqaaqa xorriyadda Honkong.
Arrimahani iyo qaar kale oo badani waxay keeneen culays soo waajaha
Shiinaha, taasi oo keliftay inay weftigani soo diraan

Arabsiyonews.com

Leave a Reply