qoryooley-150x150

Home / Wararka / Faahfaahin Laga Helay Dilkii Degmada Qoryooley Faahfaahin Laga Helay Dilkii Degmada Qoryooley

Waxaa maalintii shalay ahayd lagu dilay deegaan dhaca degmada Qorooley nin oday ah, wiil uu dhalay iyo qof kale oo weheliyay.

Dilkan ayaa ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Buulo Siidow oo u dhexeysa Tuulada Gaaywarow iyo magaalada Qoryooley, una jirta qoryooley qiyaastii 5 km.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi Jiray Abuukar Xooshow, waxa uuna mudo badan ku noolaa deegaankaas.

Warar kala gedisan ayaa ka soo baxaya dilka Abuukar Xooshow, qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ninkan uu xoog ku heystay beer, wuxuuna ahaa shakhsi aad ugu lug leh siyaasada,isagoo xiriir dhow oo wada-shaqeyn lahaa mid ka mid ah kaabamooriyaanta dhulboobka ka wada gobolka oo lagu magacaabo Jaamac Balow.

Cidii aan aqoon Jaamac Balow waa Kaabamooriyaan falal waxashnimo ah ka geystay Tuulada Gaaywarow sanadkii 1995.

Dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in Abuukar Xooshow uu beerta ku heystay qoryo badan oo markii la dilay laga qaatay, waxayna sheegeen in falka dilka ah ay geysteen ciidamo uu hogaaminayo nin Jabhad ah oo deegaankaas ku ugaarsada Kaabamooriyaanta dhibaatada ka wada gobolka, ee beero xoog ku heysta, kaas oo lagu magacaabo Sheekh Saalax Xaaji Ibrahim.

Kaabamooriyaantan ayaa dhinacooda geystay falal isugu jira dil, guryo gubis iyo barakicin ay u geysteen dadka soomaliyeed ee ku dhaqan tuulooyin ka tirsna degmooyinka Jannaale iyo Qoryooley.

Dhanka kale, Maamulka degmada Qoryooley iyo kan gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in falka dilka ah ay ka dambeeyaan Kooxda Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Qoryooley Xaaji Cismaan ayaa sheegay in dilka Abuukar Xooshow ay ka dambeeyaan Al-shabaab.

Ma aha falkii ugu horeeyay ee noocaan oo kale, waxaa horay gobolka uga uga dhacay falal waxashnimo ah oo ka baxsan baniáadanimada, kuwaas oo dhibaato loogu geystay muwaadiniin soomaliyeed oo aan waxba galabsan.

info@markacadey.com

info@markanews.net

Leave a Reply