NEWS

Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Shirweynayaasha Xisbiyada - Qaybtii 10aad
February 21, 2008

Waa arrin suggan ahna dhaqan siyaasi ah oo soo jireen ahaa , la iskuna raacsanyahay in xisbigga _ku kasta ha ahaadee_awoodda ugu sareysaa ay tahay, shirweynaha dhawrkii sanaba marlaqabto, kolba sida dastuurka xibigaasi dhiggayo.

Shirweynaha xisbigga ayaa barnaamijka xisbigga ee guud dajiya, fullinta barnaamijkaa guudna waxaa u xilsaaran gudida fullinta ,iyadoo oo ku ilaalinayo kuna dabasoconayo golaha dhexe ee xisbigu, isaga oo shirweynaha xisbigga ka wakiila.

In mudada , kolba shirweynaha xisbigga la qabanayo , u dustuurka xisbiggu cayimaa oo uu qeexaa waxay noqotay lagama maarmaan. Waayo?waxa loo baahan yahay, in barnaamijka xisbigga waxaa ka fulley,dhowrkii sanaba mar la eego .Waxaa loo baahanyahy oo kale in dhawrkii sano kadiba shirweynaha la qabtaa uu barnaamijkiisii guud ee hore waxna ka badalo waxna ku kordhiyo ,talaabadaas oo kolba daruufta markaa taagan ka jawaabaysa. Waxaa kale ee loobaahanyahay in shirweyne kasta lagu doorto gudi fulaneed iyo gole dhexe. Xubnihii hore waa loo cusbooneysiin karaa qaarbaa labedelikaraa ama gidigoodba xilka waa laga qaadi karaa, haddii shirweynuhu arko, inney xilkoodii kasoobixi waayeen . Xisbiggu hadey la kulanto duruuf adag oo u shirweynuhu ku qarsoomi waayo, golaha dhexe amma iyo fullinta ayaa mudadda kordhinkara . gobolada iyo degmooyinkuna waa in ay muddada shirweynuhu ku qabsoomo iyaguna ay doortaan gudiyadooda fulineed majiri karo xisbi , shirweynihii lagu assaasay dabadii u haystaa fasax in aanu shirweyne qaban. Xisbigii sidaa yeelaa kuma andacoon karro in uu yahay xisbi dimuqraadiya. Tusaale waxaad uqaadataa Xisbigga African Natinal Congress(ANC) ee xukunka haya South Africa oo shirweynihiisii 52-aad , ku qabsaday bishii December dhamaadkeedii. Xisbigaa oo la aasaasay 1912kii isagoo dagaal siyaasi ah iyo ku hubeysan 2daba ku jira, shirweynihiisu si caadiya ayuu u qarsoomi jirrey. Hambalyo.

Shirweynuhu kolkuu noqday awoodii usareysay ee xisbigga oo gaadhsiisan heer qaran waxaa waajib noqotay, in shirweynahaa xubnaha ka qeybgelaya uu xisbigu ka muuqdo heer tuulo kabilaaw ilaa heer qaran Degma kastaa waa iney xubnaha uga qeyb galeya shirka soo doorataa, kadibna gobolku issaga oo hubiyey degmo waliba inney xubnaheedii soo dooratay, uu gobol ahaan ugu gudbiyaa liisaskii xubnaha gobolka matilayey ee degmooyinku soo doorteen, qaban qaabada shirweynaha .

Awood uma laha hoggaanka xisbiggu in uu soo magacaabo isgu xubnaha matalaya Gobolada oo ay ku hoos jiraan degmooyinkii,Tuulayaashii ama laamaha hoose ee shirweynaha uga qeybgelaya .Waayo? Waa in shirweynaha xisbiggu qaran ahaan uga muuqdaa qaban qaabadu masoo magacaabi karto xubnaha xisbigga uga qeyb gelaya. Xildhibaanada Xisbiyadda ugau jira Golaayaasha Xeerdejjintu iyaguna ma soo magaacaabi karaan xubnaha shirweynaha uga qeybgelaya gobolada iyo degmooyinka.

Xisbigga hoggaankiisa sare iyo hay’adahaa aan korku xusay , aysoo xulaan xubnaha shirweynaha uga qeybgalaya gobolada iyo degmooyinka, waa xisbi aan dimuqraadi ahayn . Shirweynaha qaabkaa ku guntamaana waa hal bacaad lagu lisey.

Tirada ka qaybgelaysa shirweynaha xisbiggu , waa inney cilmiyeynaataa tusaalo, doorashooyinkii 3da ahaa ee dalka ka dhacay Xisbi kastaa, 3dexdii doorasho tiraduu helay ha isu geeyo . Hayidhaahdo matalan shantii kun ee coda uu helay qofbaa matalaya .Hadduu degmo kahelay soddon kun oo cod waxaa degmadaa mateliya shirweynaha lix xubnood .

Waxa xaaraan ah innaga oo kazoo baxnay hab beeleedkii in xisbi xisbiyada ka mid ahi, uu xubnaha shirweynah kazoo qeybgelaya , hab beeleed oo uu yidhaahdo reer hebela intaa katimmaado .Xisbigga sidaa ku dhiirada waxaanu shaki ku jirin in uu gudcur gudayo shirweynihiisuna aano ka tarjummeynin dastuurka iyo xeerarka xisbiyada uyaala midna malaali karo ,in Xisbi kasta daruuf u gaar leeyahay ay tahayna in la raaligeliyo, haseyeeshee taa macneheedu maaha ,in xisbina ku tuman karro mabaadiida asaaska u ah , geedi socod dimuqraadi u ah ee ay soomaaliland halkeymaanta joogto kusoo gaadhay .Gabagabo, hadaynaan xisbiyadeena dimuqraadiyadeyn waxweyn baa u dhiman dimuqraadiyadeynta aynu ku andicoonayno.

(Dhamaad)

Qoraalkii: Axmed Y. Ducaale

 

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].