|
|
NEWS
|
|
|
Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Shirweynayaasha Xisbiyada - Qaybtii
10aad
February 21, 2008
Waa arrin suggan ahna dhaqan siyaasi ah oo soo jireen ahaa , la iskuna
raacsanyahay in xisbigga _ku kasta ha ahaadee_awoodda ugu sareysaa ay tahay,
shirweynaha dhawrkii sanaba marlaqabto, kolba sida dastuurka xibigaasi dhiggayo.
Shirweynaha xisbigga ayaa barnaamijka xisbigga ee guud dajiya, fullinta
barnaamijkaa guudna waxaa u xilsaaran gudida fullinta ,iyadoo oo ku ilaalinayo
kuna dabasoconayo golaha dhexe ee xisbigu, isaga oo shirweynaha xisbigga ka
wakiila.
In mudada , kolba shirweynaha xisbigga la qabanayo , u dustuurka xisbiggu
cayimaa oo uu qeexaa waxay noqotay lagama maarmaan. Waayo?waxa loo baahan yahay,
in barnaamijka xisbigga waxaa ka fulley,dhowrkii sanaba mar la eego .Waxaa loo
baahanyahy oo kale in dhawrkii sano kadiba shirweynaha la qabtaa uu
barnaamijkiisii guud ee hore waxna ka badalo waxna ku kordhiyo ,talaabadaas oo
kolba daruufta markaa taagan ka jawaabaysa. Waxaa kale ee loobaahanyahay in
shirweyne kasta lagu doorto gudi fulaneed iyo gole dhexe. Xubnihii hore waa loo
cusbooneysiin karaa qaarbaa labedelikaraa ama gidigoodba xilka waa laga qaadi
karaa, haddii shirweynuhu arko, inney xilkoodii kasoobixi waayeen . Xisbiggu
hadey la kulanto duruuf adag oo u shirweynuhu ku qarsoomi waayo, golaha dhexe
amma iyo fullinta ayaa mudadda kordhinkara . gobolada iyo degmooyinkuna waa in
ay muddada shirweynuhu ku qabsoomo iyaguna ay doortaan gudiyadooda fulineed
majiri karo xisbi , shirweynihii lagu assaasay dabadii u haystaa fasax in aanu
shirweyne qaban. Xisbigii sidaa yeelaa kuma andacoon karro in uu yahay xisbi
dimuqraadiya. Tusaale waxaad uqaadataa Xisbigga African Natinal Congress(ANC) ee
xukunka haya South Africa oo shirweynihiisii 52-aad , ku qabsaday bishii
December dhamaadkeedii. Xisbigaa oo la aasaasay 1912kii isagoo dagaal siyaasi ah
iyo ku hubeysan 2daba ku jira, shirweynihiisu si caadiya ayuu u qarsoomi jirrey.
Hambalyo.
Shirweynuhu kolkuu noqday awoodii usareysay ee xisbigga oo gaadhsiisan heer
qaran waxaa waajib noqotay, in shirweynahaa xubnaha ka qeybgelaya uu xisbigu ka
muuqdo heer tuulo kabilaaw ilaa heer qaran Degma kastaa waa iney xubnaha uga
qeyb galeya shirka soo doorataa, kadibna gobolku issaga oo hubiyey degmo waliba
inney xubnaheedii soo dooratay, uu gobol ahaan ugu gudbiyaa liisaskii xubnaha
gobolka matilayey ee degmooyinku soo doorteen, qaban qaabada shirweynaha .
Awood uma laha hoggaanka xisbiggu in uu soo magacaabo isgu xubnaha matalaya
Gobolada oo ay ku hoos jiraan degmooyinkii,Tuulayaashii ama laamaha hoose ee
shirweynaha uga qeybgelaya .Waayo? Waa in shirweynaha xisbiggu qaran ahaan uga
muuqdaa qaban qaabadu masoo magacaabi karto xubnaha xisbigga uga qeyb gelaya.
Xildhibaanada Xisbiyadda ugau jira Golaayaasha Xeerdejjintu iyaguna ma soo
magaacaabi karaan xubnaha shirweynaha uga qeybgelaya gobolada iyo degmooyinka.
Xisbigga hoggaankiisa sare iyo hay’adahaa aan korku xusay , aysoo xulaan xubnaha
shirweynaha uga qeybgalaya gobolada iyo degmooyinka, waa xisbi aan dimuqraadi
ahayn . Shirweynaha qaabkaa ku guntamaana waa hal bacaad lagu lisey.
Tirada ka qaybgelaysa shirweynaha xisbiggu , waa inney cilmiyeynaataa tusaalo,
doorashooyinkii 3da ahaa ee dalka ka dhacay Xisbi kastaa, 3dexdii doorasho
tiraduu helay ha isu geeyo . Hayidhaahdo matalan shantii kun ee coda uu helay
qofbaa matalaya .Hadduu degmo kahelay soddon kun oo cod waxaa degmadaa mateliya
shirweynaha lix xubnood .
Waxa xaaraan ah innaga oo kazoo baxnay hab beeleedkii in xisbi xisbiyada ka mid
ahi, uu xubnaha shirweynah kazoo qeybgelaya , hab beeleed oo uu yidhaahdo reer
hebela intaa katimmaado .Xisbigga sidaa ku dhiirada waxaanu shaki ku jirin in uu
gudcur gudayo shirweynihiisuna aano ka tarjummeynin dastuurka iyo xeerarka
xisbiyada uyaala midna malaali karo ,in Xisbi kasta daruuf u gaar leeyahay ay
tahayna in la raaligeliyo, haseyeeshee taa macneheedu maaha ,in xisbina ku tuman
karro mabaadiida asaaska u ah , geedi socod dimuqraadi u ah ee ay soomaaliland
halkeymaanta joogto kusoo gaadhay .Gabagabo, hadaynaan xisbiyadeena
dimuqraadiyadeyn waxweyn baa u dhiman dimuqraadiyadeynta aynu ku andicoonayno.
(Dhamaad)
Qoraalkii: Axmed Y. Ducaale
Printer Version
| |
|
|