|
|
EED HOOYO LAGA GALAY
Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye"
Caawa ayaa loo wanqalay,
Diiwaanka Gaariye "Hagarlaawe", oo London xaflad loogu qabtay. Somalilandhorta.
Iyadoo diiwaankaa soo dhaweynaysa ayey tixdan jeclaatay in akhristayayashu la
wadaagaan."
Waa
hees magaceeda ka wadata riwaayad la yidhaahdo "Eed Hooyo Laga Galay" oo aan
qorey Sagaal iyo Toddobaatankii. Riwaayaddaasu waxay ku socotay inan yar oo
da'deedu tahay 18 sano.Waa inan sabool ah oo aad u qurux badan.Islaan aan ubad
kale lahayn ayaa ku indha-kuulata.Waxa xiloodinaya boqolaal doob oo guur iyo
gaabsiba ka raba.Hebel bay diidaysaa;oo hebel kale ayey diidaysaa.... marka
dambe ayey mid u soo joogsanaysaa ay is-leedahay malaha kanaa ah kii aad ku
degi lahayd.Wuxuu been ku maaweeliyaba,aakhirka ayuu lingaxa ka goynayaa oo ay
uuraysanaysaa.Waxay dabeed ka codsanaysaa inuu asturo.Isna wuu ku gacan-
saydhayaa.Markaasay ereyada soo socda ku calaacalaysaa:
Obocdayda wadhaneey!
Adhaxdayda liicdaay!
Arrinkayga laalmoow!
Taladaan il-duufaay!
Axdigaan rumaystiyo
Ma arraday jacaylkii?
Ma engegay darkiisii?
Ma af-beelay xiisii?
Ma ajowday laagtii?
Ma abaaday geedkaan
Ubaxiisa guran laa?
Afar-qaadki socodkiyo
Ma eersaday wareeggii?
Orgigii la naaxshee
Adhi-raacda dhaqataa
Ku asqaysay heestee,
Naxariis ujeeddo leh
Aaminee run moodee,
Ayaantii la gawracay
Is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
Iniintiisi biqishoo,
Ayax beri i soo maray
Eel uu ka tegey baa
Uurkayga jiifoo;
Aramaa i huruddoo;
Anigoo arkaayaan
Axankayga daaqoo;
Macaan-jeceshi oon sun ah
Loo ursiiyey malabkee
Ku idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.
Caku inan-rageedaw!
Waxa igadh ka beermaa
Aarankiisa weeyee,
Ooryihiini kici laa
Aarankaad ku dubateen.
Urugada i haysiyo
Agoonkaa sidkii go'ay
Aanadiina weeyaan.
Ab-tirsiimadiisuna
Utun gaaxsan weeyoo,
Uurkaygu waa godob
Eed hooyo laga g alay.
|

Somaliland Emblem

Hargeysa Somaliland

Dadweynaha Reer Somaliland

Somaliland Passport

Somaliland Map

Somaliland Stamp

Somaliland Stamp
|
|