|
Ha
La Waayo
Curiye: Axmed (Aw) Yuusuf Ducaale
Aksien, Norway
September 15,
2007

Ha’da gabayga waataan ka tegay,waa
horeen dhigaye,
Ha yeeshe xaluunbaan hurdada,haw ka soo idhiye,
Habar-wacasho Somaliland, heeri baa di’iye,
Hayaay iyo tollaay waxay dhashaa,huq iyo laan deyre,
Ha la waayo geedigan halaag, dhab u horseedaaya ,
Ha la waayo beel iyo ardaa, hadimo weeyaane,
Ha la waayo reer hebel ayaa, hoos inoo dhigeye .
Ha la waayo gole doorashada, beelo ku habeeya,
Ha la waayo Fullin haybta tidhi, yaan wax ku
haggaajin,
Xisbiyadan la habareeyayee, harag la saaraayo,
Fikir heer sareeya ayay ahayd, innay ka haadaane,
Hala waayo soo saar Hoggaan, beelo ku habaysan .
Sheekhaa hanuuniya dadkee , diinta ku hadeeya,
Hoostana qabyaaladi Calow, ay hurgumo jiifto,
Kitaabkaa uu haneedayaa, waa huf iyo beene,
Hala waayo Maruud kadaran, sixirkii Haaruude.
Hal abuur abwaan Eebaheen,hibo gudoonsiiyey,
Oo hibitiqaaya oo kadhigan, hogol darrooraysa,
Hal macaan markuu kula fadhiyo, hadal ku deeqsiiyey,
Haakah aad tidhaahdoo la dhic,i hobolnimadiisa,
Hadduu kaa dhaqaaqo, dab uu huriyey qiiqaayo,
Ha la waayo waa balo habaar, haan kabuuxsadaye.
Hadh hadhyada siyaasiga Calow, dhididka haareystay ,
Hurdadiina kuu diidey iyo, hoygii gurigaaga ,
Beenta uu huffaayana aad odhan, hoheey maxaa qaaday,
Ee soo huwadey reernimee, socod hunbaaleeyey
Jilbiskaa wax heera iyo kadaran, halaqa jiifsadee,
Ha la waayo oo Cali hagalo , cadowga naareede ,
Halbowlaha is gooyoo, qabiil heelada u jiibi,
Hoogaagii weeyaan xabaal, qoddo hogaagii,
Qaranimaa hayaan lagu ahaa, damal hadh waaweyne,
Reernimo inney hoostagtaa, waa hungo iyo ciile,
Halawaayo gobanimo haddey beel ku hoyaneyso.
Afmiishaarkan hiin raagayee, bullatku hooraayo
Ee halkiyo iuu qaadkiiyo hillibka raacaayo
Hiyigiisu uu yahay wuxuu, hore usii qaado,
Heestiisu aytahay markuu, hoos u dhiggo soodk,
(Laba hinjiyaba waa hunguri , horeyn jiraye ,)
Hala waayo kaasoo kalaa, hoojay qarnkiiye,
Horaa uga marten baan lahaa,hababka qaarkoode,
Dastuurbaad hergeliseen jidaan, laga habaabeyne,
Hayeeshee markuu doorashada, hiro iftiinkoodu,
Hanqalkey lasoo kici durtaba, habartii sheydaane,
Ham hamtoodii weeyaan Caloow, hoos u hadalkiiye,
Xisbinimaa hagaastoo markaa, laga hadaafaaye,
Ba heblaayo odayaal ayaa , lagu hadaaqaaye
Ka hayaan aqoon iyo wax garad, lagu hirweeyaaye,
Markaasaad hanfade ama hadhaa, garasha hooseeya,
Gelin hore qabyaaladi tidhaa hoo adaa mudane
Hoggaanka iyo ushiyo, haybad qurxdeeda,
Kadib buu la hoobtaa wuxuu hawlasooyidhiye,
Ha la rido markiia ytimaad,heybtii soo kiciye,
Ha la waayo huggunkaa durtaba, Herar ka yeedhaaya,
Ha la waayo hiil uu xilkii habar miciin mooday.
Naftii hurrihii hoydaan arkaa, oon habeen laddine,
Hoggii buu ka leeyahy maxaa helay dadaalkiiye?
Nolashii uu hurray, muu filleyn, haddur innay noqone,
Uma hiddinin deeqdaa Calow, qaran hantaaqdiiye,
Hala waayo hadafkii xarrago ,dhiigga lagu hooyay,
Habareeye hoos ula degoo, hiifa dhaxalkiiye.
Waxa haysta Xamar iyo madfaca, hiririgleynaaya,
Hadduunabad Ilaahay magane, kugu hreereeyay
Hargeysaay gudoon ,oo ka kora muranku hoos dhabane,
Xisbinimo ku soo hirashadana dooda ku habeeya ,
Hala waayo Hanad ila dhashaan kaalin tii heline,
Hala hello heblaaya geydoo, laga horjoogaaye,
Hala helo haweenka koo gala’e, heybad soocyada e,
Hambalyadda aqoonsiga markaa,saad hashleyn sacabe,
Ha la waayo Caliyoow xilkaba, anniga oon heynin,
Aqoonsiguba waa hadal tiriyo,magane huu haaye.,
Ha la hello hannaanquruxsanoo maamulku hagaago,
Ha la hello halyey daacadoon, qaranka hoo saasin,
Ha la gaadho hadha lagu nastiyo,hoodom iyo kheyre,
Halkuu sheekho yaaliyo Nugaal, tan iyo Heemaalka,
Hargeysa Burco iyo hoosadiiSaaxil hadhadhkeda,
Huwantaasi oo qaranabaan cidina hayneyne,
Hala waayo cadawgii holladay, waa hengalo qaade
|