Literature

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
 

Nin Doorkii Ilmadeeradey Diric Maxaa Hoy’day:.
Curiye Axmed Aw Yuusuf Ducaale

Tixdani Waxaan Curiyey 12/4/09, iyadoo 11/4/09 uu ku geeriyoodey  Hargeysa Marxuum Axmed Muuse Geedi (Sanjab) isla maalintaana lagu aasay Gabiley.

Dayaxii Dhecee Diridhabaan weli dayeysnahaye,
Doogtii ayaan nabaradii weli dabiibaaye,
Damqashada dareenkii ayaan daawo loo heline ,
Markaan dib u xusuustaan ilmada Caliyoow daadshaaye,
Haasaawihii diiranaa daartii laga waaye,
Dagalkuu ka baxay buu dadkii weli ka ooyaaye ,
Habeen dumay ayaa igu habsaday ,
Daaim Eebahaye danabyada Ilaah oofsadee darajediisaasa,
Nin doorkii ilmadeeradey diric maxaa hoy’day,

Digrigii iyo quraankii maxaa xero daliil waayey,
Duub-weyn musheekhdii maxaa duunka laga waayey,
U dibjire Calow danaha guud u xusul- duubaayey
Oo aan dillaal lagu aqoon damac inuu qaaday,
Indhihii degmada duul ahaa iyo daryeelkeeda ,
Xujaajtii markaan dib u dayaan murug dubaaxshaaye,
Digiigaxasho rixinkii dabcaan ooyay dabadeede ,
Nin doorkii ilmaadeeradey diric maxaa hoyday,

Waxaa didiyey maansadan Calow iyo dabuubteyda ,
Amin uu dadkii jiifsaduu seexadkala daatay,
Telephoonekii dananaayayeey diidey gacanteydu ,
Dabadeedna aan qaadayee diday war aad sheegtay,
Geeridey dilaaceen dheguhu Cali dayaankeeda,
Axmed baa dekaamoo naftii deyseydii naxaye ,
Degdegaan u kacay waanigii hadalka deydayaye ,
Maxaan dood wanaag iyo qoraal cidi daleyn doonin,
Maxaan cidina daarayn Caloow maasuq laga daalay
Maxaan cidi ku daaleyn xisaab cune dabool saaray,
Maxaan daba gaal raad laga shakiyey cidi daneyn doonin,
Muxuu tabi dadweynuhu dadaal daacadnimo muuqday ,
Maxaa deeqsinimo Cali latabi hogol darooraysey,

Waxa laygu daabacay Calow doqqon isoo qaaday,
Deriskuu uu siiyey uu ku yidhi duqqa ayaad moodey,
Nin doorkii ilmaadeeradey diric maxaa hoyday,
Dajin xeer axsaabeed markey beeli dalandooshay ,
Dimiqraadinimadii ayuu galay dagaalkeede ,
Xisbigiina diiwaan-gashaay diidney niman baaney,
Dubuhuu la dhacay baan ogaa dakharadiisiiye ,
Gudidii horee doorashada waxuu daneynaayey,
Dhisideeda doorkuu lahaa duudsi geli waaye,

Dirirtuu u galay UCID ayaan cidi ka doodeyne ,
Gaashaankuu daruuraan ogaa dabac la’aantiiye,
Ururkii markuu darey sidii midhaha soo daadshay,
Doorashadii xisbigga waakuwii dibadda soo dhigaye ,
Dafiraad cad weeyaan xaqooy dalaw ka tuureene,
Darajuu ka qaadaye iyagaa dagay naftoodiiye ,
Danjiruu ahaa heerka Qaran aan kazoo degine,
Cudurkii markuu daaray buu duuley qalinkiiye,
Dalka intii lakeenaa nay odhan soo dul joogsade e,
Diplamaasi weeyaan ilmadan daadan geerida e,
Waxba hadalku yuu ila durkine waxaan ku soo deyrey ,
Tiiraanyaan la duubnaa muddaba taahan damaha hayne,

Isagaa u danbeeyeye hadduu dahay xawaalkiisu ,
Uu cullimadii daris layahay diinta fidineysay ,
Qudbiyadii dariiqada Calow daaray nalalkeeda ,
Muftigii abbaan-duulkayahay amarka loo daayay ,
Intaasoo isdabajoogtaba dhab u dabaal degiye,
Docdii aykayaaleen qalbiggu waa dalool madhane ,
Giddigoodba daartii jannaaan ugu ducuyeeye,
Nin doorkii ilmaadeeradey diric maxaa hoyday.


Curiye: Axmed Yusuf Ducaale


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].