LITERATURE

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

 


Guud ahaanba Inta af Soomaaliga ku hadaasha, Gaar ahaan inta Sugaan Jecesha  ah iyo eheladiisoo oo cidkasta kamudan ayaan ka tacsiyadeynaya geeridii ku timi Gabayaagii Axmed Ismaaciil Diiriye( Qaasin) Alla ha u naxariistee.Tixdan oo an ku sagootiyeyo marxuunka waxaan u hibeynayaa Muxyaddiin Maxamed Xuseen oo gabayada dul-ka-qaybkooda Allah u yasiray, anigoo ka codsanaya in uu tixdanna ku daro dul-ka-qaybkiisii gabayada .Dhawrkii gabay ee aan Wembley Central London (Mabriskii Cali Feyr) kaga dhegeystayna wuu ku mahadsanyahay.

Suubanow nabigeenu Calayhi- salaatuwassalaam, wuxuu ina farayaa qofkeena dhinta in aynu wanagiisa sheegno.Halkaasaan kadhaqaaqayaa. Intii uu carrabka marxuunku gaadhayna cafi iyo saamax ayaan u weydiinayaa.

Baroordiiq - Axmed Ina Ismaaciil (Qaasim)


Ileybaxaaya weeyaan dhalini oo iftiin badane
Adigoo kaloo ururiyoo uunka maqashiiya
Ayey tahay in lagu aamino erayga loo dhiga e
Muxyadiin1 adaan kuu gartee mari odhaahdayda
 
Ararta gabeygaan aqoon yaa  ag dhiganaya
Een Ina Jadeer iyo aflow ka amba qaadeynin
Oohowduu yidhaahdaba tixdii olalka reemaysey
Ee sidii ila biyo leh oonka bi’ineysey
Erayadii udgoonaa sidii ubaxa kaahaayey
Ama oogti uu shidi jiriyo wuxuu afuufaayey
Aragtidii ku dheehneyd wuxuu uunku jirinaayay
 
Dareenkii u ooyaayeyee lala ilmeynaayey
Asluubteeda suugaan ninkuu Eebe ugu deeqay
Asteyntii naftiisuu khalqigu dhaaxa amankaagey
Laba aan is-geyin uu ahaa siduu ku iinshaaday
Toganaa2 marxuunkii akhriyoo aad u faaqidaye
Withmen3 iyo Blake4 buu ahaa yidhi asaagoode
Erey-bixi garaadkii is yidhi ood ka rogi waaye
Ardeyduu ka tegay beynu fili in ay asiibaane
Ilaahay kuwuu doorashada aayar ugu deeqay
Abraarkey is qaadeen dadkaba magane soo eegin
"Mar uunbaa ololihii la shidi kii arbacadiiye
Mar uunbaa rag iimaanka qaba la igman doonaaye"5
Waa kii ku eedaamayey magaci eedeene
Ingiriiska wixii uu u nacay eray  halaagaaya
Ololkeeda Maandeeq wuxuu ku istreexayay
 
Isugeynti aafowdayee loo askeriyeeyay
Afkiisuu adeegsadey  intuu aamus kariwaayey
Abwaannadii is-kaashaduu ahaa kicin abaabulaye
Eray waa awood  Eebe oon cidi ku aadayne
Waatey Afweyne u rogeen oodda dirirtiiye
Ehelkii dagaallamu is-galuu xidhay afkiisiiye
Eedaadki soomaray indhaha waa ka laliseene
Adegyaduu ubaahnaa ayaan iniq la gaadhsiine
Ismadhiibinoo waad ogeyd aabi-socodkiiye
Eedeysan weeyaan Almadar gabi  ideylkeede
aniguna ka kow baan ahoo waan ogsoonahaye
Iyagu ahaayuu aqoon ugu arooraaye
Iyagay ahayd iney kacaan oy arrimiyaane
Aqoonsiguu muteystaan ifkii loo abaal -gudine
Meytideed amaantaynu nahay laba ayaamoodey
Dabeetana illow baa xigiyo yuu ahaa hebel e
In uu gabay aqoon iyo xigmado aano u ahaaday
Imaamyadii xadiiskaa warshoo qiray odhaahdaase
Adduunyadu Obliigoow6 ilhaam way qadirisaaye
Oo “arbaab-ul-xaal iyo Maqaam”7 kaa adeegsada e
Alay ugu dhawadaan jaceyl ugu idlaadaane
Indheergarato umadaan dhiqini ayatiin malehe
Pushkin8 Awdal laga keenaybaa ruush abwaan u ahe
Ibsen9 waxa  laga siyaartaa Oslo laga amaanaaye
Ingiriisna waa Shakespear10 odeygey sheegaane
Italiana Daantey11 xusuus ugu aqoolaane
Hoomeer12 Atiinana udaa iyo Ilyaadkiiye
Ogobeey Volteer13 baa Faraans loo ab-tiriyaaye
Gootana14 Almaankii unoqoy  gabey unuunkiiye
Taagoor15 ayaan  cidi Indiya soo ag dhiganeyne
Paakistaan Iqbal16 baa u yidhi oo aqoon mudhaye
Eeraanna Shiraazi17 baa gabay u aabo ahe
Amiir gabay markay Carab timaad waa Imrul-Qays e18
Shiinleydii Idaan19 markii cidi ag mari weydey
Isagaa halkaa ii galiyo ina Suldaankiiye20
Marxuunkuna af-gudhiyuu ahaa udub-dhaxaad kiiye
Hal-abuur haduu aabo iyo odey ka soo jeedo
Asal bay u lahaayeen hadaan lays inkirahayne
Waxba hadalku yuu ila ordine waxaan ku soo ooday
 
Qaasim Ebeheen oofsayoo aakhiruu tagaye
Ifka ninkii irdaha laga xidhee ooda laga jiitey
Ilmadaa yaxaaskiyo waxaa oohin dami weydey
I arkaay maqlaaydiyo waxaa uubato is jiidhi
Eedii aqoon laga galaa urugeey reebtaaye
Sirtii erayga weeyaan waxaa uubta loo qodaye
Odhaah gabay farshaxan aaladdii weyney ehelkeede
Ardaynimo jaceylkii heluu oomatada diidey
Araggii Bogsiiyuu lahaa Badam21 aan soo eego
Axmadowdiba ii bixiyo ax iyo weydiiye
Iyaduna hadday hoyatayoy aakhiro u jahatay
Aroos wacan janada eebeheen ha u agaasimo e
Aamiin gadaasheed dhamaan uunka ugu baaqa
Axmed ina Ismaciil miyaa iilka lagu leexshay
 
Axmed Yuusuf Ducaale, London.


Footnote

  1. Waa Muxyadiin Maxamed Xuseen(Ina Good Abees oo reer Burco ah)
  2. Maxamuud Siyaad Togane waa gabayaa soomaali ah oo ku gabya af ingiriisiga.Wuxuu leeyahay diiwaan gabaya ah oo la yidhah"the bushman and the bottle".Gabaygii marxuun Qaasin ee <qadhaadh iyo macaan> ayuu u tarjumay af ingiriisi si aad u dhandhameysa. Xaaskiisa Madeleine ayaa isla gabaygaa af faransiis u tarjuntay.
  3. Withman waa gabayaa maraykan ah,noolaa Q.19-aad oo saameyn weyn ku lahaa suugaanta Maraykanka.Wuxuu leeyahay tix layidhahdo"Myself" oo ay isku duluc yihiin"Qadhaadh iyo Macaan".
  4. W.Blake waa gabayaa ingiriis ah oo dhashay Q.18aad oo si xaq ah loo qiimeeyey suugaantiisa geeridiisi kadib.
  5. Waa laba beyd oo Qaasin leeyahay.
  6. Waa Oblik Carton,aqoonyahan reer Jabuuti ah oo qoray buuga la yidhaah"Somaliland a promising country".
  7. "Arbaab-bul-xaal iyo maqaam"waa suufiyada oo leh qasaaid ay ku mujinayaan jacaylka ay Allah u qabaan.
  8. Pushkin waa gabayaa ruush ah oo dhashay Q18aad oo saameyn weyn ku lahaa suugaanta Ruushka.Odayga uu ka soo jeedo ayaa Q.12aad isaga oo wiil yar ah Turkigu ka soo qafaashay xeebaha Afrikada Bari,kaasoo ku danbeeyay dalka Ruushka oo uu ku tafiirmay.
  9. Ibsen waa qoraaga reer Norway ugu caansan.
  10. Shakespear wuxuu saameeyay suugaanta Ingiriiska.
  11. Dante wuxuu saameeyay suugaanta Talyaaniga.
  12. Hoomeer waa gabayaa Giriig ah oo noolaa ku dhawaad Q.8aad Nebi Ciise ka hor oo ku caan baxay laba tixood oo dhaadheer oo midkood layidhah Ilyaad.
  13. Voltaire wuxuu saameeyay suugaanta Faransiiska.
  14. Goethe wuxuu saameeyay suugaanta Germany.
  15. Tagor waa gabayaa Hindiya(Bengal)ah oo la siiyey Nobel Price 1903
  16. Iqbal waa gabayaa Pakistaani ah
  17. Shirazi waa  gabayaa Iraani ah
  18. Imrul-qays waa gabayaa Carbeed oo Islaamka hortii jiray
  19. Waa Cabdi Iidaan
  20. Waa Timacade
  21. Badham waa macalimiintii dugsiga dhexe ee Sheekh

 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].