Somaliland Horta Website Somalilandhorta

LITERATURE

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Mandheela
By Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'

Nelson Mandela oo markii dambe madax-weyne ka noqday Koonfur Africa, wuxuu ahaa kolkii maansadu soo baxday maxbuus ku xidhan Jasiirada Robin. Wuxu ku xukunnaa madaxaa-ha-ku-furto. Sannadkii 1963 ayaa la xidhay ka dib kolkii ururkiisii ANC ay go'aansadeen inay halgan hubaysan ku qaadaan taliskii midab-takoorka ku dhisnaa ee dalkiisa ka amar-ku-taaglaynayey. Maansadanu waa sharaf aan ku maamuusay Maandheela iyo wixii uu u taagsaan.

Gabay-yahaw i maqal;
Madax-yahaw rimmani
Jiiftada madiix;
Masafooy gadood;
Maax-yahay ha gudhin.

Inta uu mudduci
Madal-weyne yimi,
Wax kastuu marsado
Marlay kiiska qabo;
Oo maddaacalii
Maanshaa allee,
Garta madax ka yahay
Ka markhaati yahay
Sharcigana matalo,

Madfac-yahaw ha damin;
Mujrim-yahaw ha ladin;
Maskax-yahay godlani
Maansada ha dayn.

Qalin-yahaw mindiyo
Ii noqo maddane;
Ku marriimo dhiig;
Kuna maydho ciin.

Khadkan hoo murka ah;
Kii macallinka ah
Ee midab-caska ah.

Ku dhig heestan milil;
Maaleey qadhaadh
Dacar lagu margado.

Maarrahaan sitiyo
Kalaashkoofka mudan,
Midig aad tartide
"Madad" baan ku idhi.

Maska ubadka jaray
Dhiiggana ku mamay
Ila moora-duug.

Murti iyo higgaad
Maxlal aan ku dhalan,
Ninna macasha qaban
Waa meeqa odhan,
Ku macsuun tix aan
Maamuus ku ladhay,
Maandheela iyo
Muudaaga xumi
Dad wuxuu makalay;
Ama reer muskood
Kaga dhigay maxbuus.

Afartaa miscirir
Mus-duleed u daa;
Mid kaleeto waa
"Maqaleey war-laay
Ma laguu warramay?"

Waxaan ahay madluun
Godobtiisa maqan,
U maleegan oo
"Maya" yidhi dulliga

Waan miigganahay;
Nin mannaagayoo
Macaluul darteed
Milgo-beelayoo,
Maalkiisa dhacan
Marti inu ku yahay
La marsiinayiyo,
Mana ihi miskiin
Ninna muuno iyo
Naxariis ka mudan.

Nacas muruq is-biday
Markuu dhabanka bidix
Farba meel ku dhigo,
Sidii Nabi Masiix
Dhanka midig u dhiib,
Mawd baan ka xigay.

Ninka midho-yariyo
Madi garab lahayn
Ii malaynayiyo,
Muska tiidsanee
Igu meersanee
Madaw iyo cadba leh,
Een mawqifkiyo
Mitidkaanu nahay
Ku midaysan nahay,
Kala maan ahaa.

Uurkayga madhan
Muruqyada i fagan,
Murugada naftiyo
Dabarkaygu maran,
Mucsurkaan qabaa,
Waa miino iyo
Meleg aasanoo,
Mar inay qarxaan
Ku muddaysanoo,
Wixii lay marshiyo
Waxan maaganahay
Kala maan ahaa.

Maanshee la yidhi
Xaaqinkaa murxee
Dhul madhaa ma jiro.

Miciyihi darraa
Ee igu mudnaa,
Mariidkiyo suntii
Maaradoodi helay.

Haddaan maahsanaa
Miyir-doorsanaa,
Miiraabay oo
Mugga waan il-baxay.

Majaraan hayaa
Duul hore u maray
Ay mahadiyeen.

Afartaa mullaax
Uga maydhax-diir,
Mid kaleeto waa
Hadal waa murtiye
Maqal Abu-hadroow.

Tixdu waa mag-dheba;
Nin kastoo mitida
Oo madiidin neceb,
Waa madhax u yaal.

Waa muuno iyo
Taallo aan u muday,
Maandheela iyo
Cidda uu matalo;
Magli baan ku qoray.

Adna Maxamadoow
Maansadu nin geya
Kama maarantee,
Mayalkeeda qabo.
Gumaystaha ku maag.
Madaxoo la rogo
Iyo midab-takoor,
Inaynaan mareeg
Marna qaadanayn,
Ninka mooggan iyo
Macal-cune dhacsii.
Miliqsade ka nixi.
Hal-muceedyadii
Mari aad tiqiin;
Oo mahadho iyo
Maahmaah ka reeb.

Kana marag ahaw
Rag hadday murmaan,
Mabda'eenu waa
Isagoon mugdiyo
Madmadoow ku jirin,
Maantiyo berriba
Malafsade ha dhaco;
Xalaal-maal ha jiro;
Dadku waa masee
Ha mudh-baxo cadligu



 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp