Dawladda
Jabuuti oo Bilowday Qorshe Albaabada u
Xidhaya Dekedda Berbera?
December 13, 2006
Maamulka Dekedda Berbera ayaa
hakiyey qorshe xoolaha dekedda ka dhoofa
loogu duwayey dhinaca Dekedda dalka
Jamhuuriyadda Jabuuti oo dib loogu
dajineyey.
Barnaamijkan oo ay hirgelintiisa wadaan
dawladda Jabuuti iyo shirkad ganacsi oo ay
wadaag ku yihiin ganacsato Carab iyo
Soomaali ah, ayaa la sheegay in uu yahay
mid albaabada u xidhaya hawlihii dhoofka
ganacsiga xoolaha nool ee Dekedda Berbera,
isla markaana uu mashruucani horseed u
yahay siyaasadda dawladda Jabuuti ku
doonayso in marin-baddeedka Dekedda
Jabuuti uu noqdo ka keliya ee ay ka
dhoofaan xoolaha nool ee mandaqadda Geeska
Africa.
Dareennada ka dhashay shixnadihii u
horreeyey ee ka dhoofay Berbera laguna
rogay Jabuuti, waxa warbixintan nooga
diyaariyey Weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka
Saaxil, Maxamed Ismaaciil Cumar (Biid).
“Toddobaadkii u dambeeyey waxa dekedda
Berbera xoolo adhi ah ka qaaday laba
markab oo midkood 35 kun oo neef qaaday (shan
iyo soddon kun oo neef), ka labaadna uu
qaaday siddeed kun, isla markaana sida
warar rasmi ahi sheegayaan in xoolihii
labadaa markab qaadeen lagu dajiyey
dekedda Jabuuti.
Waxa kale warar xogagaal ahi sheegayaan
in xoolaha dekedda Berbera laga rarayo ay
iibsatay shirkada la sheegay in magaceeda
la yidhaahdo Maandeeq oo Soomaali iyo rag
Carab ah ka dhexaysa, isla markaana
ganacsatada Somaliland ee iyagu xoolaha
iibsada ay calaa neef ka siisteen 41
dollar.
Wararku waxa ay intaa ku dareen in ay
qadaraaska ay sidato shirkadda Maandeeq ee
xoolaha iibsanaysa uu yahay mid ay iska
leeyihiin ganacsato Soomaali ah iyo weliba
rag maalqabeenno Carab ah.
Qaar ka tirsan ganacsatada xoolaha nool
ee Somaliland ayaa sheegay inay shirkadani
u sheegtay ganacsatada Somaliland iyo
maamulka dekeddaba inay xoolaha si toos ah
u geynayaan Jeddah [Berbera –Jeddah],
balse ay arritani fashilantay, kadib
markii labadii markab ay si toos ah uga
dagiyeen dekedda Jabuuti xoolo tiradoodu
dhan tahay 43,000 neef.
Waxa kale sida ay xogo rasmi ahi
sheegeen jirtay in qorshahan xoolaha
dekedda Berbera ka dhoofa lagaga dejinayo
dekedda Jabuuti uu yahay shirqool aan
qarsoodi ahayn oo ay soo maleegeen
dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuna
doonayaan in dhoofka xoolaha Afrikada Bari
ee dekedda Berbera ka dhoofi jiray u
wareejiyaan dekedda Jabuuti, isla markaana
dekeddaha kale ee gobolka ku yaala sida
Boosaaso, Etariya, Koonfurta Soomaaliya
iyo dekedda Berberaba u isticmaalaan meelo
ay xooluhu u soo maraan dekedda Jabuuti.
Xubno ka tirsan ganacsatada xoolaha
nool ee Somaliland ayaa sheegay in
shirkadda xoolaha iibsanaysaa ay been u
sheegtay ganacsatadii ay xoolaha ka
iibsatay kagana iibsatay calaa neef 41
dolar, balse ay ganacsato ahaan u
oggaadeen in shirkaddani qandaraas ku soo
qaadatay calaa neef 105 dolar xoolaha ay
doonayaana yihiin 120.000 (boqol iyo
labaatan kun) oo neef.
Waxa xusid mudan tallaabada
waddaniyadeed ee maamulka dekedda Berbera
ku tallaabsaday, kadib markii arrintan
shirqoolka ahi fashilantay, isla markaana
markabkii 8 kun ee neef ku soo rogay
dekedda Jabuuti dib ugu soo noqday dekedda
Berbera, isaga oo doonaaya in uu xoolo
kale ka qaado dekedda Berbera, sSida warar
xogogaal ahi sheegeen in maamulka dekedda
Berbera diiday in markabkani xoolo danbe
ka qaado Berbera.
Waxa kale warar xogogaal ah oo aanu ka
helnay Jabuuti intaa ku darayaan in
xoolaha dekedda Berbera laga qaaday lagu
dejiyey xeryo karintiimo oo duleedka
Jabuuti ku yaal, isla markaana lagu hawlan
yahay in la tallaalo, balse ay ganacsatada
xoolaha nool ee Somaliland ka cabsi qabaan
in isku-deygaa shirqoolka ah ee fashilmay
dadka hawshan wataa, iyaga oo Somaliland
ka aargoosanaya ay xoolaha Jabuuti ku
xaraysan ku tallaali karaan bagteeriyo,
kadibna Somaliland ku sheegaan in ay
xoolahoodu bukaan.
Si kastaba ha aahaatee, iyada oo aanay
jirin warar cad oo ilaa iyo hadda ka soo
baxay dhinaca Somaliland, ayaa haddana ay
ganacsatada Somaliland 100% soo
dhowaynayaan amarka maamulka dekedda
Berbera ku eryey markabkaas oo doonayey in
uu xoolo kale ka qaado dekedda si uu
dekedda Jabuuti ugu rogo. Waxa kale oo
ganacsatada Somaliland ku adkaysanayaan in
uu nin waliba xoolahiisa u iibgeyo
waddamadii uu markii hore xidhiidhka ula
lahaa sida Yemen iyo Dubai. “26 sano oo
aan ganacsiga xoolaha ku gudo jiray waxaan
oggaaday in neefka xoolaha ah ee Kenya ka
yimaaddaa haddii aanu dekedda Berbera ka
dhoofin aanu suuq fiican halayn insa
bixinayn haddii uu deked kale ka dhoofo.”
Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ganacsada
reer Somaliland.
Xoolaha Jabuuti loo leexiyey waa kuwii
markii hore loogu talogalay in loo
dhoofiyo dalalka Yemen iyo Imaaraadka
Carabta oo jilmad lagu qaatay. Dhibaatadan
weyn ee ganacsatada Somaliland ka cabsi
qabo in haddii sidaa kaga leexdaan ay
waayi doonaan lacagihii faraha badnaa ee
ay ganacsatada Somaliland kaga maqnaa
Yemen iyo Imaaraadka oo ay hore xoolaha
ugu diri jireen.”
Source: Jamhuuriya
|