NEWS

Axmedow Saw Daw Maaha Inaan Daaha Ka Rogo Kulmiye Dan Maahe Waa Rug Siilaanyo Danbaabo
April 2, 2008


Qoraalkani igama aha hambalyo ama necbaansho, igama aha hadimo iyo hagardaamo, igama aha ammaan iyo awr qal, balse wuxuu taabanaya xaqaa'iqa dhabta ah ee ku geedaman hasha gawraceeda muddo lagu muransana mulkiyadeeda.

Kulmiye iyo Axmed Siilaanyo, ogow xaqaa'iqa jira ee ah Kulmiye Axmed Siilaanyo, mise Axmed Siilaanyo Kulmiye!! bal adba

Xaqiiqdu waxay tahay iyo waxay noqon doonto kollay inta aqoonta hufan lihi ka dheregsani, waxaynu inbadan maqli jiray ama arki jiray Mulkiilaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo inbadan hogaamiyayasha qarranka ku xag xagta dimuqraadiyad la'aan, qabyaalad, eexasho, iyo musuq maasuq, Axmed siilaanyo wuxuu inbadan naftiisa ku macnayn jiray nin haddii uu maalin uun qabto hogaanka qarranka Somaliland ku hogaamin doona cadaalad iyo sinaan.

Su'aashu akhriste miyaanay noqonayn Axmed Cadaaladdu ku faani jiray, dimuqraadiyaddu ku faani jiray, ma wuxuu ku bedeshay inuu soo iibsado ergooyinkii Xisbiga isla markaana uu si badheedh ah u caddaystay inuu iibsaday mulkiyaddii xisbiguu isaguu sameeyey.

Axmedow haddii laguugu yeedhi jiray Guddoomiye Kulmiye hadda waxaa ii cadaadatay inaad ka digo rogatay isla markaana aad si badheedh ah u noqotay Mulkilahii dhabta ahaa ee xisbiga Kulmiye, waxaan maandhow ka codsanaya inaanad ku taamin dimuqraadiyad danbe, inaanad afka soo marin cadaalad iyo sinaan

Waxaan si naxariisleh uga codsanayaa saxaafadda Somaliland inta jecel wanaaga Somaliland, inta jecel in qarrankeenu noqdo qarran ka madhan qabyaalad, cadaalad xumo, cid jeclaysi, inaanay ugu yeedhin Axmed Siilaanyo Guddoomiyaha Kulmiye ee ay ugu yeedhaan Mulkiilaha Kulmiye, waayo Kulmiye ma aha Xisbi siyaasadeed ee waa haayad ganacsi oo uu iska leeyahay Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisu.

Waxaan akhristayaal soo bandhigaya xaqaa'iq dhab ah oo salka ku haya imbraadooriyadda rugta ganacsi ee Kulmiye, waxaan soo bandhigi doona qorshayaasha imbradooriyaddu dabada ku wadato haddii ay waayan doorashooyinka soo socda.

Balse qoraalkayga aan ku gunaanado

Axmedow Danta guud mudnaanteed
Gobonnimo daryeelkeed
Damaciyo hankaygii
Haddaan waayey dawgaan
Is lahaa ha lagu dego
Berri degel ma dhaafaan
Dadka wada jirkiisiyo
Isku duubnidiisii
Lagu doorshey reer reer
Kala daadsan laga dhigay
Mus duleedku xanan yahay
Qarannimadu dagan tahay
Gudahana dab kaga kacay
Dawankiyo carooggiyo
Miyaan waayey Daalacan
Saw arrintu daw maaha
Inaan Daaha Ka Rogo
Kulmiye Dan Maahe
Waa Rug Siilaanyo Danbaabo

La soco.......

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
London, UK.
diridhaba@gmail.com

__

Source: Hadhwanaag News

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].