NEWS

Gaadhigii Laga Lahaa Hargaysa Oo Laga Afduubay Duleedka Buuhoodle Oo Ay Ciidanka Itoobiya Soo Furteen Goordhow
May 9, 2008


Gaadhi laga lahaa Magaalada Hargaysa oo laga afduubay duleedka Buuhoodle oo ay ciidanka itoobiya soo furteen Gaadhigani oo ahaa nooca loo yaqaano laan garuusarka ayaa dhawaan waxaa laga afduubay dule3edka magaalada buuhoodle waxaana aafduubkaasi gaystay koox dablay ah waxaana ay la tageen ugu horaynba magaalada buuhoodle iyagoo markii dambana kala sii aaday aaga tuulada dhumay ee gobolka sool.

Hadaba maalintii shalay ahayd ayaa hawl gal ay sameeyeen ciidanka itoobiya waxaa ay ku guulaysteen inay soo furtaan gaadhigaasi gacantana ku soo dhigaan Dableydii afduubtay gaadhiga.

Gaadhigan oo ay lahaayeen dad shacab ganacsato ah ayey dablaydani ay wadada u galeen waqtigii ay afduubayeen meel u dhow tuulada qorilugud oo dhanka galbeed ka xigta magaalada buuhoodle islamarkaana ay isku kaxaysteen gadhigii iyo dadkii sarnaaba.

Waxaayna kooxdani ku haystay in mudo ah gaadhiga iyo dadkaba tuulo dhanka hawdka ah ka xigta magaalada laascaanood oo la yidhah dhumay ka dib markii ay uga soo carareen buuhodle hanjabaad uga timi odayaasha degaankaasi oo uu sheegay in xoog loo adeegsan doono hadii ay soo dayn wayaan dadkaasi iyo gaadhigaba aan waxba galabsan.

Ugu dambayntii dadkii iyo gaadhigii oo bad qaba yaa lagu soo wareejiyey ciidan ka tirsan Somaliland ka dib markii xidhiidh lala sameeyey ciidanka itoobiya oo loo sheegay in dadkaasi lagu wareejiyo ciidanka Somaliland ee degmada oo ku sugan degmadaasi kalabaydh ee gobolka sool ,dhawaana waxaa la filayaa in dadkaasi loo soo gubiyo xarunta gobolka sool ee magaadala lascaanood oo ay uga sii gudbi doonaan dadkaasi dhanka degaankoodi iyo Hargaysa iyagoo badqaba.

Waa markii ugu horaysay oo ay ciidamada itoobiya ay hawlgalkan oo kale ka fuliyaan deegaakani ka tirsan gobolkan waxaana arintani soo dhaweeyey dadka shacabka ah ee deegaamadaasi oo mar iyagu donaya wadanoolaasho wanaagsan.

Xirrir qato dheer ayaa ka dhaxaysa Dalka Somaliland iyo Dalka Ethobia waxaana Labadan dal ka dhaxeeya heshiis Ganacsi iyo mid nabadgalyo, waxaana la oran karaa sababta keentay in baabuurka iyo dadka ay badbaadiyaan keentay heshiisyadaasi ay wada galee.

__

Source: Hadhwanaag News


 

 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].