NEWS

Djibouti: Shirku Ma Qabsoomayaa?
May 10, 2008


(SOHTA) Shalay gelintii dambe, waraysi uu siiyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed Laanta Af-Soomaligee BBC-da kuna siiyay Djibouti, wuxu cadeeyay in aanu weftiga ka socdaa Dib-U-Xoraynta Soomaaliya aanu diyaar u ahayn inuu la shiro weftiga ka socda Maamulka madaxda uu yahay Cabdilaahi Yuusuf, weftigaas oo shalay isna soo gaadhay Djibouti.

Shariifku wuxu ku tilmaamay weftigaasi in aanu u aqoonsanyn inuu dawlad yahay balse uu yahay daba dhilif, intaa wuxu raaciyay, isagoo u waramaya wariyaha bbc-da, in weftigiisu u yimid inay la shiraan ama ay wada hadal la yeeshaan, Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, kana wada hadlaan qaabkii ciidamada Ethiopia dalka looga saari lahaa.

Wariyaha BBC oo waydiiyay inay diyaar u yihiin Ethiopia in ay la shiraan wuxuu u sheegay inay Ethiopia la shiri karaan markay Ethiopia dalka ka baxdo. Wariyaha BBC-da oo waydiiyay in ay Eriteria culays ku saartay inay mowqifkaa adag is taagaan haday diidaana inay dalkeeda ka saari doonto, wuxu ugu jawaabay hadal macnihiisu yahay inaanay cidna amar ka qaadan, go'aan gaadhkoodana ay u madax banaan yihiin. Waxay u muuqataa shirkii iyadoo aan la isku iman inuu dhicisoobay.



 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].