|
“Somaliland Xornimadeeda Boqol Kun Oo Qof Ayaa U Dhintay, Ka Haya iyo Mid
Imandoona Oo Yidhaahda Shan Farood iyo Calaalal Ayaan Ku Xukumayaa, Waa…”
May 11, 2008
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf [Cali Gurey] oo ka mid ah Masuuliyiinta sar sare ee
Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE, isla markaana ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM ee
xoreeyey dalka tan ayaa shaaca ka qaaday inaanay Somaliland waxba ka dhacayn 15
Bishan May, oo ah xiliga ay kaga eegtahay shantii sano ee Madaxweyne Rayaale loo
doortay ee sanadkii 2003.
Sida waxa uu mujaahidku ku sheegay Shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hutel
Impriel ee Magaalada Hargeysa. Kaas oo uu kaga hadlay arrimo doora oo ay ka mid
yihiin waxa keenay dib udhaca doorashooyinka iyo waxa uu ku talin lahaa.
Waxa uu shirkiisa jaraa’id ugu baaqay Shacbiga reer Somaliland inaanay waxba ka
werwerin maalintaas xilka mudada maweynuhu loo doortay ay dhamaato oo wax
dhacaya haba yaraatee aanay jirin.
“Xaalada Siyaasada Somaliland sida ay maanta tahay shaki kuma jiro in la odhan
karo waa mid Cakiran, waxa jira welwel-weyn oo ay dadweynuhu ka qabaan
Xaaladaasi saameynta ay ku yeelan karto nabadgelyada” ayuu yidhi Muj. Cali
Maxamed Yuusuf [Cali Gurey].
Mujaahid Cali Gurey mar uu ka hadlayey Xaalada Siyaasadeed ee cakiran ee
wakhtigan dalku marayo, waxa uu yidhi “Waynu ognahay waxa xaaladan Cakiran
sababay waa muddo dhaafka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Hasa ahaatee
Somaliland waa nin tuur leh, nin tuur lihina sida uu u seexdo isaga cid walba ka
yaqaana”.
Muj. Cali Gurey waxa uu ku dooday in dhibaatooyinka noocan oo kale ahi aanay
ahayn markii ugu horeysay ee ay Somaliland la soo dersaan, balse ay duruufo ka
adag oo Siyaasadeed iyo nabadgelyo ay Somaliland soo martay oo laga soo baxay.
Mar uu ka hadlayay waxa lagaga bixi jiray Markay Xaaladu sidan ay wakhtigan
tahay u murugto waxa uu yidhi “ Waxaynu mar walba kaga bixi jirnay Xaaladahaas
ina soo maray oodhan waddo caan inoo ah oo ah Xal nabadeed.”
“Ma qabo inay duruufta maanta Somaliland inaga sal guurinayso wadadii aynu ku
soo caana maalnay, ee xalka nabada” ayuu intaasi sii raaciyey Mujaahidku.
Mar uu Cali Gurey ka hadlayey werwer badan oo ay dadku ka qabaan inay dhibaato
dhacdo marka la gaadho 15 May oo ah wakhtiga ay mudada xilka madaxweynaha
Somaliland kaga eegtahay iyo khilaafaadka jira waxa uu yidhi “ Waxay dad badani
is-weydiinayaan markay 15 May dhamaato maxaa dhici? Anigu waxaan qabaa ma jirto
cid suurti yowmal-qiyaamaha afuufeysaa bisha 15-keeda, Daahir Rayaalena cid inta
ay qori ula tagtana odhanaysaa ka soo bax Madaxtooyada. Waxa uu noqonayaa
madaxweyne mudadiisii sharciga ahayd ay dhamaatay kursigiina ku fadhiya, waana
dhibaatada inoo taala maareynteedu”
Cali Maxamed Yuusuf waxa uu hoosta ka xariiqay muddo dhaafka xiliga
doorashooyinku inay arrimo badan oo kala duwan ay keeneen, isla markaana waxa uu
sheegay in marka la isku soo wada uruuriyana waxaynu odhan karnaa xil gudasho
la’aan ayaa u sabab ah in doorashooyinka xiligoodi ku qabsoomi waayaan.
Mujaahidku waxa uu rajo-wanaagsan ka muujiyey inuu jiro xal oo uu muuqdo, isla
markaana lagu guda jiro waxaanan qabaa in lagu guuleysanayo haddii Ilaahay idmo
haddii aynu ka heshiino in doorashooyinka la qabto.
“Xaajo murugsan sii murginteedu xal uma noqdo, xak waxa u noqda maareeynteeda”
ayuu yidhi Muj Cali Gurey.
“Diwaan-gelinti waxa maanta soo baxay inay deeq bixiyayaashi u arkeen inay tahay
carqabad ay inagu soo kordhiyeen, waayo aragnimo horena u maynaan lahayn inay
inoo hirgaleysi iyo inaanay inoo hirgalayn iyo wakhiga ay inoogu hirgalayso
daraasado hore oo la sameeyeyna may jirin.” Ayuu yidhi Cali Gurey.
“Hadii deeq -bixiyayaashu kala noqdaan inay bixiyaan kharashkii ku bixi lahaa
diwaangelinta cod bixiyayaashana, waxaan isleeyahay waxa jadwalkii ka baxaya
diwaangelinta oo lagu qiyaasayo inay afar bilood soconayso, hadii ay noqoto
sidii aynu doorashooyinkii hore ku galnayna oo ay taa ka fursanweydana waa la
isla soo dhadhaweynayaa in laga heshiin karo mudada ay qabsoomayaan labada
doorashaba”
Muj. Cali Gurey waxa uu sheegay inuu taageerayo in nabadgelyada in la adkeeyo,
isla markaana waxa uu intaa raaciyey waxase dhaliil ah oo aan la qaadan Karin
haddii ay taasi ku biirto ama loo adeegsado xoogagii amniga qaranka oo lagu
cabudhiyo mucaaridka, iyo dad gudanaya wax ay xaq u leeyihiin oo sharciya.
“Somaliland ummad ahaan inaan xadhig iyo xabad xal u noqon karin waa waayo
aragnimo ay leedahay, waa cashar aad u qaaliya oo ku jooga qiime aad u sareeya,
umadanina marka ay soo marto dhibaatada oo kale way ka gaashaamaataa.” Ayuu
yidhi Cali Gurey.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Anigu waxaan
u sheegayaa Shakhsiyaadka ku tartamaya xilalka madaxweynaha shacbiga Somaliland
waa u diyaar inay codkooda idinku kala saaraan, laakin diyaar uma noqon karaan
inay dhiig u daadiyaan tartankiina.”
Mujaahidku waxa uu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland inaanay baqanin, isla
markaana inaanay jirin wax nabadgelyo daro ah.
“Somaliland dimuqraadiyadeeda iyo Xornimadeeda boqol kun oo qof ayaa u dhintay,
ma jiro ka haya iyo mid imandoona nin sanduuq iyo warqad lagu doortay oo ku
dhici karaa inuu yidhaahdo shan farood iyo calaalal ayaan ku xukumayaa oo ka
dagimaayo xilka, ka sidaa haweysta waa mid ku talagalay inay hooyadii ka
goblanto oo ay shacbiguna iyagu sharciga gacanta ku qaataan” ayuu yidhi Cali
Gurey.
__
Source: Hadhwanaag News
Printer Version
| |
|