NEWS

Djibouti: Shirkii Dib-U_Heshiisiintu Halkuu Marayaa?
May 11, 2008


(SOHTA) Waxay ahayd shirku inuu shalay furmo. May dhicin. Sababta u weyn ee shirku u furmi waayay, markeynu eegno wereysiguu xalay siiyey Sheekh Shariif  VOA-da waa isbahaysiga oo aan ka nuuxsan halkey ka taaganyihiin, weftiga Xamar ka yimi oo ay u arkaan in aanu dawlad matilin iyo Itoobiya oo ay ku adkeysanayaan iney dalka ka baxdo, intaan la wada hadlin. Hase yeeshee masuuliyiin ka tirsan Djibouti ayaa maanta muddo dheer la shireysay isbahaysigga sidey wararku sheegayaan in kastoo wararku kasoo bixin weftigga Xamar ka yimi waxaa la shiray Wakiilka Qaramada Midoobay, wefti ka socda Qaramada Midoobay, wakiilo kasocda Contact Group, Jaamacadda Carabta iyo Dublamaasiyiin kale, kulankaa kadib ayuu Axmed Weld Cabdalla Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u sii daayay war odhanaya rajo weyn inuu ka qabo in hawlaha shirku dhakhso u bilaabmaan qodobo qiima lehna lagu heshiiyo.

Masuulka hoggaaminaya weftiga Xamar ka yimi, shir jaraa'id oo uu qabtay maanta waxuu ku sheegay inney sadex maalmoodba Djibouti u joogeen in ay la shiraan walaalahooda mucaaridka ah, kadib markuu ugu mahadnaqay dowladda Djibouti, gogasha ay shirka u fidisay .

Marka laga reebo Axmed Weld Cabdalla dadka indho indheeyaa arrimaha Soomaalida waxay u badan yihiin in isbahaysigoo dabca mooyaane, rajo sidaa u weyn aan laga qabi karin shirku inuu guuleysto.
 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].