|
Djibouti: Shikii Wuu Furmay Laakiin..
May 12, 2008
(SOHTA) Wax la wadaba, galabta ayuu shirkii lagu heshiisiinayey maamulka
Cabdilaahi Yuusuf iyo kooxda Asmara, ka furmay magaalada Djibouti iyadoo oo ay
madushu tahay Golaha Ummada (Baarlamaanka) Dad badan ayaa halkaa ka hadlay oo uu
ugu horeeyay W/Xoghayaha Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan. Waxa kaloo ka
hadlay labada xubnood oo kala hoggaaminayey labada wefti, Diblamaasiyiin kala
duwan iyo Wasiirka awqaafta ee Djibouti oo shirka soo xidhay. Howshii shirka loo
qabtay hoos looguma daadegin.
Markeynu dhuuxno wareysi uu laanta Af Soomaaliga ee BBCda, siiyey afhayeenka
kooxda Asmara, wuxuu si cad u muujiyey in uu mowqifkoodu kii hore yahay; kaas oo
ah iney qramada midoobay kala xaajoodaan qaabkii ciidamada Itoobiya looga saari
lahaa Itoobiya. Wuxuu cadeeyay arrintaas oo la gelin in aanay diyaar u ahayn
waftigan kale in ay is hor fadhiistaan.
Shirkii wuu furmay laakiin mawqifkaa kooxda Asmara oo dabac ka yimaado mooyaane,
wey adagtahay sida guul wax ku ool ah shirkan looga gaadhaa.
Printer Version
| |
|