|
Rajadu Yaanay Dhiman
May 12, 2008
Somalilandhorta: Dhexdhexaadintaa Gudoomiyaha G/wakiiladu waday ee dhicisay waa
in aanay rajada is af garad la gaadho aanay dillin talada ugu horeysaa waa in ay
noqotaa iyadoo labada dhinac ay joojiyaan weerarka ay is weerarayaan xagga
saxaafada.
Waa in aynu eegnaa hareeraheena waxa ka dhacaya.Sawirka aduun weynuhu maanta
innaga qaadanayaa, waa in aynu garanaa in uu yahay sawir aan qurux badneyn. Waxa
keliya ee aynu kaga duwanayn Soomaaliya wuxuu ahaa doorashooyinkaa dhawrka ah ee
aynu qabsanay. Haddaynu ku guuleysan weynay qabashada doorashooyinkan wakhtiga
ugu dhakhso badan Hargeysi waxba kaga duwanaan meyso Muqdisho taa macnaheedu
maaha dhiigbaa qulquli ee waxay tahay kala furfuran ayaa dhici laga yaabo in ay
xaalad murugsani ka dhalato. caqligu ha shaqeeyo caadifaddana aynu dhinac iskaga
dhiggno.
December 14, 2007 waxay ahayd inay dhacdo doorashadii deegaanku. Mey dhicin.
Qodob Dastuuri ah ayeynu jabinay april 14, 2008 waxay ahayd iney doorashadii
madaxtooyadu dhacdo mey dhicin. Dastuurkii beynu jabiney. Tii deegaanka waxaa
loo raray June 8, 2008 mey dhicin. Heshiis guud ayeynu jabinay. Tii madaxtooyada
waxaa loo raray August 30, 2008 Mey dhicin. Heshiis guud ayeynu jabiney.
Waxaynu Dastuurka u jabiney heshiisyadiina uga baxnay wakhtigiibaa cidhiidhi
inagu noqday intaa jeer ee aynu Dastuur jabiney ama heshiis ka baxnay dhinacna
ma odhan Dastuurbaa la jebiyey ama heshiis baa laga baxay. Ugu danbayn waxaynu
ku heshiinay in Doorashada Deegaanka la qabto Octoober 6, 2008. Ta Madaxtooyadan
Dececmber 31, 2008. Guurtidu kordhintey kordhisay waxay ahayd in ay ku eekeyso
January 31, 2009 oo maalintaasi ay noqotay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku
xiggeenka la doortay.
Guurtidu wax wey kordhin kartaa kordhintuse waa in ay la socotaa dhinacyadda
arrintu khuseysaa sidey u arkaan waa ra'yi khaas ah oo aanay cidina ku
khasbanayn in ay qaadato, waxaase muhiim ah in aynaan arrintaa ku kala kicin ,
dhexdhexaadintana ay sii wado akaadamiyada oo kale. Waxaa inaga reeban maamul
majirro 15 May 2008 haddey dhaafto waxaa inaga reeban fal nabada wax u dhiman.
In aan somaliland is ahaan teeda caalamku u caashaqsaneyn ee uu qadariyey
waxaynu qabsannay waxaa u daliila kharashkii diiwaan gelinta oo hakad la geliyey
dhinac walba waxaa ku waajib ah in uu soo tanaasulo oo uu ku dadaalo meel dhexe
kula kulmo. Sidii Cali Gurey yidhi tartamayaasha madaxtooyada cod in lagu kala
saaro mooyee dhiig lagu kala saari maayo.
Somalilandhorta
Printer Version
| |
|