NEWS

Dalad Kulmindoonta Dhamaan Saxaafada Somaliland Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa, Go'aamo Iyo Baaqyo Laga Soo Saaray
May 13, 2008


Kulan-hawleed ay saxaafadda Somaliland kaga arrinsanayso marxaladdan cusub ee dalku galay iyo sida ay u waajahayaan, ayaa maanta lagu soo geba gabeeyey Huteel Baar Xaf ee Magaalada Hargeysa, kaas oo qodobo muhiima laga soo saaray, isla markaana baaqyo loofu jeediyey Xukuummada iyo Axsaabta Mucaaidka ah.

Waxaana kulankaasi soo qabanqaabiyey Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxa Banaan ee SSJW, kaas oo daba socday wejigii 1aad ee kulan-hawleedkan oo uu soo diyaariyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Wejiga 2aad ee kulan-hawleedka waxa ka soo qeyb-galay madaxda iyo Tifaftirayaasha wargeysyada, TV-yada, Idaacadaha iyo 3-da Urur ee saxaafadda Somaliland ee SOLJA, SSJW iyo WIJA iyo Ururka Website-yada SOA.

Furitaankii kulan-hawleedka waxa hadalo koob-kooban ka soo jeediyay gudoomiyeyaasha ururada Saxaafadda SSJW iyo SOLJA, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).
Markaa kadib waxa la magacaabay shir-gudoon daadihinayay kulan-hawleedka oo kala ahaa:

1. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
2. Faysal Cali Sheekh
3. Faysal Fadh-fadhle
4. Nafiisa Maxamed

Qodobada Ajandaha kulan-hawleedku waxay kala ahaayeen:
1. Xaaladda cusub ee dalku galay iyo doorka Saxaafadda Somaliland
2. Abuuridda Dalad mideysa ururada Saxaafadda Somaliland
3. Abuurida Guddida Sare ee Cabashooyinka Iyo Anshaxmarinta Saxaafadda
4. Dhaqan-gelinta Xeerka Saxaafadda Somaliland

Dood dheer oo ay ka qayb-galayaashu si saraaxad leh uga doodeen qodobada ajandaha ka dib, shirku waxa uu go'aansaday:

a) In sida ugu haboon ee ay Saxaafaddu xilkeeda ku gudanaysaa marxaladdan adag uu noqdo iyada oo ku dhiirata inay gudbiso xaqiiqada iyo runta waxa laysku hayo isla markaana ay ka gar-naqdo is-mariwaaga dhinacyada.

b) Kulan-hawleedku markuu ku qancay in loo baahan yahay midnimada Saxaafadda waxa uu ku dhawaaqay aasaaska Daladda Midowga Saxaafadda Somaliland [Unioin of Somaliland Journalists (USJ)]

c) Waxa aqlabiyad lagu ogolaaday guddi si ku-meel-gaadh ah u sii haysa hoggaaminta Dalladda Midowga Saxaafadda Somaliland, soona diyaarisa dhammaystirka qabyada dalada sida xeerarka, furitaanka xafiiska, iwm. Guddidaa oo magacyadoodu kala yihiin:

1. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Gudoomiye
2. Khadar Maxamed Cakule Gud-Xigeen
3. Maxamed Xuseen Rambo Xoghayaha Guud
4. Faysal Cali Sh. Maxamed Xubin
5. Cali Cabdi Diini Xubin
6. Faysal Maxamed Cabdi (Fadhfadhle) Xubin
7. Cabdiraxmaan Aadan Dhameeye Xubin
8. Xadiis Maxamed Xadiis Xubin
9. Xasan Shukri Aw Cali Xubin
10. Cabdirisaaq Maxamed Dubad Xubin
11. Nasra Aw Ciise Kaahin Xubin
12. Xayaad Maxamed Cabdillaahi Xubin

d) Waxa Mabda'iyan la isku raacay in la abuuro guddida Cabashooyinka iyo Anshax-marinta.

e) Xubinta guddida ka galaysa hay'ad Warbaahineed waa inay buuxisaa shuuradda Suxufiga ee ku tilmaaman xeerka Saxaafadda.

f) In loo hawl-galo sidii uu xeerkii Saxaafadda Somaliland ee labada gole baarlamaan ansixiyeen, madaxweynuhuna saxeexay u noqon lahaa dhaqan-gal, waxaana la isku raacay in hawshaa loo igmado guddidii hore ee uu u xilsaaray kulan-hawleedkii SOLJA ee ku qabsoomay Maansoor.

Dhinaca kale, waxa ka soo baxay shirka baaq ka kooban laba qodob:
I. Xaaladda Dalka: Shir-hawleedku markuu ka dooday xaaladda dalku marayo iyo khilaafka cakiran ee taagan, isla markaana garawsaday welwelka shacbiga Somaliland ka qabo xaaladda, waxay suxufiyiintu ugu baaqayaan xisbiyada iyo Xukuumadda in wada-hadal iyo isu-tanaasul lagu dhammeeyo khilaafka taagan, sida ugu dhakhsaha badanna wada-hadal ay isugu soo horfadhiistaan.

II. Xeerka Saxaafadda: Suxufiyiintu waxay ugu baaqayaan saddexda waaxyood ee qaranka (Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka) inay ixtiraamaan xeerka Saxaafadda, xeer No: 24/2004 ee ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka, Madaxweynuhuna saxeexay, isla markaana lagu dhaqmo.”

__

Source: Hadhwanaag News


 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].