|
Xisbyada Mucaaridka Ah Ee Somaliland Oo Guul Laga Gaadhay
May 14, 2008
Madexweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Gudoomiye ee
Xisbiyadda mucaaradka ee Md.Axmed Maxamed Maxamuud ( siilaanyo ) Md. Faysal Cali
Waraabe ayaa caawa kulan ku dhexmaray Xaruunta Qasriga Madextooyada ee
Magaaladda Hargeysa.
Kulan oo ku saabsan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafaadka cakiran oo
dhextaagan labada dhinaca ayaa ka danbeeyey mar uu galinkii danbe ee maanta uu
wasiirka maaliyaddu ku booqday Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye gurigiisa.
Si xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka siyaasadeed cirka isku sii shareeray
ka dib markii uu dhawaata burburta dhexdhexaadintii uu ka dhex- waday
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada somaliland Md.Cabdiraxmaan Cirro
sida ay sheegayaan ilo xogxogaal ah u dhaw dhaw labada dhinaca waxaa la isla
afgartay in laga wadda hadlo oolaga wada tashaddo waxkasta oo la isku hayo,
waxaana loo balansan yahay in maalinta beri laga wada hadlo wixii lagu
muran-sanaa oo dhan.
Labda gudoomiye mucaarid iyo madaxweynaha ayaa bari u balansan in ay qado ku
wada qaataan qasriga madaxtooyada, halkaasi oo kulanka caawa bilaabmay lagu soo
afjari doono, gudoomiyaha xisbiga UCID, oo caawa saxaafdala hadlay ayaa dareen
farxadleh ka muujiyay kulankaasi caawa, waxa aanu yidhi cadawga Somaliland waxa
aan u dirayaaa fariin ah in aanu is afgaranay oo aanu dadkayga iyo dalkayaga u
shaqaynayno, mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in wada hadalkii caawa
uu guul ku dhamaaday, sidoo kale madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye
ayaa dhoola cadayn iyo farxad aad u balaadhan caawa iyaguna muujiyay, waxana ay
sadexada masuul caawa ka sinaayeen farxad iyo dabaal daga ay u dabaal dagayaaan
guusha ay maanta gaadheen ee ka dhalatay wada hadalkoodii. caawa taasi oo lagu
wado in ay bari saxaafda u warmaan si wada jirahan u soo saarna warsaxaafdeed
loo qaybiyo caalmka oo dhan.
Khilaafaadka siyaasadeed ayaa ka dhashay mudo-kurdhin hal sanno ah oo ay dhawaan
Golaha Guurtidu ugu kordhisay xukumadda somaliland oo iyada xilkii shanta sanno
ay kaga dhan tahay maalinta beri 15-ka bisha may 2008
__
Source: Qaran News
Printer Version
| |
|