Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Itoobiya Oo Isha Ku Haysa ta ay Isticmaali Lahayd Dekedaha Geeska Africa
October 4, 2008

Dawladda Itoobiya oo muddo badan ku hamiyeysan sidii ay u heli lahayd marin biyood dhinaca badda ah, ayaa waqtigan indhaha ku haysa midka ay ka adeegsan lahayd dekedaha Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

Itoobiya oo tan iyo waqtigii Eritrea ka go’day bilaa marin biyood ahayd ayaa si weyn ugu xidhnayd Dekedda Djibouti, balse waqtigan maamulka Males Zanawi waxa uu qorshaysanayaa sidii uu dalalka Geeska Afrika uga samaysan lahaa marin biyood, inkasta oo aan la hubin inuu ka digo-roganayo Dekadda Djibouti ee uu hadda isticmaalo oo sannadkii ay uga soo degaan 4.6 milyan tan oo alaabooyin kala duwan ah, iyada oo Djibouti-na uu sannadkii ka soo galo dakhli lagu qiyaaso $300 milyan.

Sida shalay lagu faafiyey bogga wararka ee strategypage.com waxay dawladda Itoobiay u hanqaltaagaysaa sidii Dekadda Berbera, Boosaaso iyo Mambassa ee dalka Kenya ay u adeegsan lahayd, iyada oo Itoobiya iyo Kenya sannadihii u dambeeyey ay ku jireen wadahadallo ku saabsanaa sidii loo tayeyn lahaa xidhiidhka ganacsi iyo isu-socod ee labada dal.

Balse, dawladda Itoobiya oo dekedaha ku yaal Geeska Afrika ku kala xulaynaysa dhinaca amnigooda iyo hdawaanshaha ayaa la filayaa inay si gaar ah isha u saarto labada dekedood ee Berbera iyo Boosaaso oo labaduba aad ugu dhow.

Iyada oo ay sidaa tahay ayey haddana labada dekedood kala ammaan badan yihiin, marka la eego kooxaha budhcad-badeedka ee faraha baas ku haya xeebaha Puntland.

Waxa kale oo jirtay in Somaliland iyo Itoobiya ay hore u kala saxeexdeen heshiis isticmaalka Dekedda Berbera ah, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya inay badeecadaha kala soo degto.

__

Source: Jamhuuriya







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp