Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Qabtay Shir Jaraa'id Sheegayna In Aan Somaliland Lagu Soo Gali Karin Baasboorka Cusub Ee Soomaaliya
October 5, 2008


Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa shir'jaraaid oo uu qabtay ku sheegay in Baasaboorkii hore ee Cagaarka ahaa ee Somalia lagaga dhoofayo Madaarada Somaliland sanadkan, isla markaana aanay Xukuumad ahaan aqoonsanayn Baasaboorka cusub ee dhawaan ay hirgelisay kooxda Imbigaati ee uu hogaaamiyo C/laahi Yusuf. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan umadda Soomaaliyeed inay madaarada Somaliland kaga dhoofi karaan gudashada Xajka ee sanadkan Baasaboorkii hore ee Cagaarka ahaa. Wasiirka oo shir-jaraa’idkiisaasi uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa daboolka ka qaaday mawqifka xukumada Somaliland waxa aanu sheegay in aan Madaarada Somaliland aan lagu soo geli karin Baasaboorka cusub ee ay soo samaysteen kooxda Imbigaati kuwaasi oo aan haba yaraatee aan ahayn dawlad ayna jirina dal ay iyagu maamulaan oo gacanta ugu jira.

Waxa aanu cadeeyay in garoomada diyaaradaha ee Somaliland lagaga dhoofi karo oo kaliya Baasaboorka Somaliland iyo kii hore ee Cagaarka ahaa. Waxaanu sheegay in ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan oo ay ogol yihiin isticmaalka Baasaboorkii hore ee Cagaarka ah oo ay dadweyanaha ogaysiinayaan sidaasi
Dadyowga Somaliyeed ee aanu jaarka nahay ee Islaamka waxa aan u sheegaynaa in garoomada Somaliland ay kaga dhoofiakaraan basaaboorkii hore ee cagaarnaa, oo ay Xajka, kuna socdaali karaan kaasi, sidii ay horeba ugu isticmaali jireen, taasi oo dad badani ay kaga dhoofeen madaaradyada xajkii hore.

Wasiirka waxa la waydiiyay su’aal u dhignayd, "Baasaboorkan Cagaarka ah miyaan dawladda Sacuudigu joojinin, sidee loogu tagi karaa Xajka? Waxa uu ku jawaabay, “Maya, ma joojinin wali oo sanadkii dhawaa Xajka ayaan tegay, waxay ku talo galeen inay joojiyaan, hase yeeshee waxa dhacday in laysku qabtay oo ay yidhaahdeen kii hore ha la wado. Waxaanu u sheegaynaa Dawladaha Sacuudigu ka mid yahay Xajku maaha wax siyaasad geli kara,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Somaliland-na waxa lagaga dhoofi karaa Baasaboorka Somaliland iyo dadka haysta kii hore.” intaba iyada oo uu sheegay in marnaba aan basaaboorka cusub ee ay soo samaysteen kooxda C/laahi Yusuf aan marnaba lagu soo gali karin Somaliland isla markaasn aan lagaga dhoofi karin.

__

Source Qaran News







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp