Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa martiqaad u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin
September 16, 2008


Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa martiqaad u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Nayrobi ee dalka Kenya Md. Maxamed Axmed Indhabuur oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa ayaa shalay telefiishanka Space Channel u xaqiijiyay in Madaxweyne Rayaale martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Kenya, “Madaxweynaha dhawaan ayaa laga martiqaaday inuu Kenya soo booqdo, waana sababta aan halkan [Somaliland] u imid, oo warqadaas casuumadda ah ayaan ka siday Madaxweyne Kibaki oo aan u siday Madaxweyne Rayaale.” Ayuu yidhi Wakiilku, waxaanu intaas raaciyay inuu martiqaadkii uu ka siday madaxweynaha Kenya uu magaalada Addis Ababa ugu gudbiyay Madaxweyne Rayaale oo hadda booqasho ku maraya dalal ka tirsan qaaradda Yurub.

Mr. Indhabuur, waxa kale oo uu sheegay inay dhawaan magaalada Hargeysa ee Somaliland socdaal shaqo ku iman doonaan Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Kenya, waxa kale oo uu wakiilku xusay in Baasaaboorka Somaliland hadda lagu galo gudaha dalka Kenya.

Madaxweyne Rayaale ayaa sannadkii 2006, socdaal ku maray wadamo badan oo Afrika ah oo uu ka mid yahay dalka kenya.

__

Source: Hadhwanaag News




 

 

 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp