Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mbeghati Oo Sheegay In Aanay Ka Noqonayn Go’aankii Cabdillaahi Yuusuf Diiday
September 18, 2008


Guddoomiyaha Baarlamaanka Mbeghati Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku adkaystay in aan Baarlamanku ka laaban doonin go’aankii uu hore ugu laalay in wasiirradii iscasilay dib ugu soo laabtaan xukuumadda Nuur-cadde.

Sheekh Aadan Madoobe oo shalay wax laga weydiiyey hadal uu Axaddii shaaciyay Cabdillaahi Yuusuf oo ka dhan ahaa go’aan uu Baarlamaanka Soomaaliya gaaray ayaa wuxuu sheegay in uu qabo in go’aankii Baarlamaanka uu ahaa mid sax ah.

Cabdillaahi Yuusuf ayaa shir jaraa’id oo uu Axaddii ku qabtay Muqdisho wuxuu ku sheegay in go’aan uu Baarlamaanka ku gaadhay in aan xukuumadda Mbeghati lagu soo celin karin wasiirro hore isu casilay uu yahay mid aan axdiga ku-meel-gaadhka ah waafaqsaneyn, wuxuuna caddeeyay in go’aanka baarlamaanka yahay mid qalalaase ka dhex abuuraya dawaldda Mbeghati.

Laakiin Shiikh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in aanay la ahayn in Baarlamaanku ka laaban doono go’aan uu ku gaadhay, isagoo ku adkaystay in go’aankii baarlamanku gaadhay ahaa mid sharciga waafaqsan, isla markaana ku saabsanaa in wasiirro is-casilay oo sheegay in aaney waxba qaban karin aan xukuumadda dib loogu soo celin karin.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in madaxda iyo golayaasha dawladdaba uu ka sarreeyo axdiga u degsan dawladda Mbeghati, isagana lagu dhaqmi doono, wuxuuse carrabka ku dhuftay in aanu qabin in Baarlamaanka uu gaadhay go’aan sharci-darro ah.

Mar wax laga weydiiyay Sheekh Aadan Madoobe sida uu u arkayo in Madaxweynuhuu ku sheegay hadalkiisa inuu la tashaday Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, isla markaana sharci ku doodayo, ayaa sheegay in haddii hay’adaha dawladdu is-qabtaan loo baahnaa in Maxkamadda Sare kala saarto, laakiin nasiib-darro aanay jirin maxkamad sare, wuxuuna farta ku fiiqay in sheekada socota aanay Xeer-ilaaliyaha Guud meelna uga bannaaneyn.

Askari ka Tirsan AMISOM oo Lagu Dilay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho (Jam/W.Wararka)- Hal askari oo ka tirsanaa ciidammada nabad-ilaalinta Africa ee AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen qarax culus oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa ka dhacay degmada Xamar-jajab, gaar ahaan waddada isku xidha garoonka diyaarahada iyo dekedda Muqdisho.

Afhayeenka Ciidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa BBC-da u xaqiijiyey in qaraxaas uu kaga dhintay hal askari, laba kalena kaga dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ah weerarkii labaad ee lagu qaado ciidammada nabad-ilaalinta Midowga Africa ka jooga Somalia muddo laba maalmood gudahood ah.

__

Source: Jamhuuriya







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp