Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Dawlada Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Sheegtaya Inay Diyaaradaha Faransiiska Oo Isticmaaleen Madaarka Berbera
September 18, 2008


Dawladda Somaliland ayaa markii u horaysay si rasmi ah u sheegtay in ciidamada Kamaandoowska ee Faransiisku madaarka caalamiga ah ee Berbera u adeegsadeen hawlgal ay bishii April ee sannadkan ka fuliyeen deegaanada Puntland, kaas oo ay ku qabteen lix ka mid ahaa koox budhcad badeed Somali ah oo biyaha Somaliya ka soo afduubay dooni laga leeyahay Faransiiska, iyagoo sii dayntoodana ku xidhay lacag madax furasho ah.

Wakiilka dawladda Somaliland u qaabilsan dalka Koonfur Afrika Prof. Iqbal Jhazbhay, ayaa xalay idaacadda VOA-da, qaybteeda Ingiriisida u sheegay inuu rumaysanyahay in ciidamada Faransiisku hawlgalkoodii ay toddobaadkan la beegsadeen budhcad badeed kale oo reer Puntland ah ay isna ka fuliyeen madaarka Berbera. “Dawladda Faransiisku waxay go’aansatay inay isticmaasho madaarka Berbera si ay u fuliso hawlgalkaasi, ka sokow xaqiiqda ah in dawladda Faransiisku saldhig milatari ku leedahay dalka Djibouti, waxa hawlgalkaas la fuliyay iyadoo aad loo taxadirayo, dad yar oo keliya ayaa ogaa, waxaan u malaynayaa in dawladda Faransiisku ka walaacsanayd in haddii ay isticmaalaan saldhigooda Djibouti in laga yaabo inuu war ka baxo, hawlgalkana aan lagu guulaystan.”

Prof. Iqbal, wuxuu Idaacadda u sheegay inuu rumaysanyahay in Faransiisku haddana ay mar labaad hawlgalkoodii toddobaadkan ay ka fuliyeen deegaanada Puntland ee ay ku qabteen budhacad badeed islamarkaana ku furteen dad dalkooda u dhashay oo budhcadu haysatay ay u isticmaaleen madaarka Berbera. Hase yeeshe Faransiiska ayaa warkaas beeniyay. Saraakiil ka tirsan milatariga Faransiiska oo u waramay Idaacadda ayaa sheegay inaanay hawlgalkoodaas ka fulin Somaliland, waxaanay sheegeen inay hawlgalkaas fuliyeen maraakiibtooda dagaalka ee Biyaha Djibouti jooga.

Waxa uu Mr. Ibqal, sheegay in dawladda Somaliland ku hawlantahay sidii wadanka Faransiiska iskaashi ugala samayn lahayd arrimaha budhacad badeedka iyo argagixisada, “Ujeedada kama dambaysta ah ee Somaliland waa sidii ay u heli lahayd ictiraaf, Ajandaha Somaliland ee ah inay Faransiiska la samayso iskaashi ku saabsan dhinaca ammaanka iyadoo dalka Faransiisku hadda hayo madaxtinimada reer Yurub.”

Iqbal, waxa uu sheegay in reer galbeedku tallaabo hore ugu qaadeen dhinaca xoojinta Dimuqraadiyadda Somaliland, islamarkaana ay raadinayaan taageerada Somaliland ee dhinaca argagixisada, “Midowga Yurub iyo Maraykanku waxay si rasmi ah u qaateen go’aamo ah sidii loo taageeri lahaa hanaanka Dimuqraadiyadda Somaliland, iyadoo machadka IRI uu xafiis ka furtay magaalada Hargeysa, Midowga Yurubna ay qaateen go’aamo dhaba oo ahsidii ay umaalgelin lahaayeen hanaanka Diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland.”

Ugu dambayn waxa uu Prof. Iqbal, sheegay inay wada hadalo u socdaan masuuliyiin Somaliland ah iyo saraakiil ka tirsan dawladda Maraykanka, “Maraykanku waxa uu wada hadalo la leeyahay masuuliyiinta Somaliland, kuwaas oo ah heer danjiraha Itoobiya u fadhiya Maraykanka iyo weliba booqashooyin saraakiil hoose oo Maraykan ahi ay ku tageen Hargeysa, waxa kale oo jira xog isweydaarsi xagga sirdoonka ah oo ku saabsan arrimaha argagixisada iyo weliba sidii loo sugi lahaa amniga xeebaha Somaliya.”

__

Source: Hadhwanaaag News








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp