Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Dib-u-Soo Noqoshada Qurba-joog Reer Somaliland ee Dalka Iyo Saameynta Kaalinta Doorashooyinka Soo Socda
September 19, 2008


Qurba-joog tiro badan reer Somaliland ah ayaa bilihii ugu danbeeyey ku soo qul-qulayey Caasimada Hargeysa, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dalka wax weyn ka bedelay, kadib markii uu bulshada saameeyey sixir-barar ba’an oo dhinaca Maceeshada ah.taasina ay keentay inuu hoos u dhacweyni ku yimid xawligii uu ku socday dhaqdhaqaaqa suuqyada ganacsi dalka.

Sixir-bararka ayaa waxa uu si ba’an u samaayey dadka danyarta ah ee ku nool, gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo sadexdii jeer laba jeer wax cuna halka qaarka ay cunaan hal mar sadexdii wakhtii.

Caydaruus Keyse Muuse oo ka mid ah qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan cariga ingiriiska, gaar ahaana Magaalada Bristol oo caawa niskii danbe nagu soo booqday Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews. ee Magaalada Hargeysa, ayaanu wax ka weydiinay u jeedada Socdaalkiisa:, Waxaanu yidhi “Waxaan deganay dalka Ingiriiska gaar ahaana Magaalada Bristol, waxaan halkan ka salaamaya shaqaalaha Shabakada Hadhwanaagnews.com sida dhexdhexaadnimada leh ee ay wararka u soo gudbiyaan iyo dhamaan dadka intii magacayga iyo muuqeyga taqaana, waxaan nasiib-u-helay anniga oo ku soo laabtay ciidaydayii hooyo inaan ka qeybgeli-doono diwaangelinta cod bixiyayaasha ee bisha October sanadka 2008 ee fooda innagu soo haysa dalka ka dhici-doonta,isla markaana dad badan oo anniga ila mid ahi nasiib u helin inay ka qeybgalaan, taasina waa Ilaahay mahadii”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Inkasta oo aanan Annigu nasiib u helin inaan dadkayga reer Somaliland kala qeybgalo doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay haday tahay mid Deegaan, mid Baarlamaan iyo tii Madaxtooyada,isla markaana waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay in aniga oo dalkii jooga inaan la kulmo u diyaargarowga doorashooyinka fooda innagu soo haya, ee ay ugu horeyso diwaangelinta cod-bixiyayaasha”

Caydaruus Keyse mar uu la hadlayey qurba-jooga reer Somaliland ee ku nool dunida dacaladeeda waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay qurba jooga reer Somaliland kaalaya dalkiina hooyo oo ka qeybgala doorashooyinka iyo diwaangelinta oo aad muhiim u ah , xooga aad dibada la joogtaan waxa u baahan inaad ugu shaqeysaan dalkiina iyo dadkiina, meesha aad joogtaan cidi idinkama baahnee”.

Si kastaba ha ahaatee, qurba jooga reer Somaliland ee dalka ku soo laabtay ayaa aad uga yaraa kuwii sanadadii hore dalka iman jiray, qurbajooga sanadkan dalka yimi ayaa u badnaa xaasas iyo caruur aan badnayn. Qurba jooga ayaa waxay kaalin laxaad leh kaga jiraan koboca dhaqaale ee dalka ee maalinba maalinbta ka danbeysa kor u sii kacayaa,kuwaas oo dhulkoodii maalgashi ganacsi, dhismayaal qurxoon ka abineeyey. Taasina ay qeyb ka tahay korodhka Caasimada dalka iyo bilicda oo ay qurba joogu kaalinta ugu weyn ay leeyihiin.

__

Source: Hadhwanaag News







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp