Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Dalka Imaaraadka Oo Xayiraaddii Ka Qaaday Xoolaha Laga Dhoofiyo Somaliland
September 21, 2008


Wasiirka Deegaanka iyo biyaha ee dalka Imaaraadka Carabta Md. Dr. Raashid Axmed Bin Fahad, ayaa soo saaray go’aan rasmiya oo uu ku caddaynayo in xayiraaddii laga qaaday xoolaha laga soo dhoofiyo Somaliland iyo dalka Somaliya.

Wasiirku sida uu ku caddeeyey digreetada uu ku qaaday xayiraadda xoolaha Soomaalida, shardiga ku xidhan xoolaha dalkiisa tagayaa waa in yihiin kuwo buuxiyey shuruudaha iyo sharciyada labada dekedood ee Berbera oo Somaliland ah iyo Bosaso oo ka tirsan deegaanka Puntland.

Shardiga kale ee xoolahan ku xidhan ayaa ah in ay yihiin kuwo si toos ah looga soo raray labada maxjar ee ku kala yaalla Berbera iyo Bosaso. Waxa kale oo uu dalka Imaaraadku shardi ka dhigay in xoolaha u soo dhofayaa noqdaan lab keliya ugu yaraanna muddo toddobaad ah lagu soo xannaaneeyo maxjarrada magaalada Berbera iyo Bossaso. Waxa uu wasiirku sheegay in xoolaha la keenayo dalkiisa la weydiin doono waraaq rasmi ah oo ka timid maxjarka Berbera Somaliland ama ka Bossaso Puntland.

Ugu dambayntii waxa uu wasiirku ku xusay digreetadiisa in xoolaha la yimaadda shahaado tallaal oo waqtigeeda uu ka soo wareegay wax ka badan 21 maalmood in dib loogu soo celin doono dekeddii laga soo raray.

Dawladda Imaaraadka Carabtu waa dawladii labaad ee si rasmi ah ugu dhawaaqda inay xayiraadii ka qaaday xoolaha Somaliland iyo Somaliya ee weliba ku dhawaaqda inay ogoshahay oo keliya xoolaha ka soo dhoofa Berbera iyo Boosaaso. Dawladda Cumaan ayaa hore ugu dhawaaqday inay xoolaha Somaliland iyo Somaliya ka qaaday xayiraadii.

Sheekh Saalim Binu Hilaal Cali Al khaliiji oo ah wasiirka beeraha iyo khayraadka nool ee Saldanadda Cummaan ayaa soo saaray digreeto wasiir oo uu ku caddeeyey in xayiraaddii laga qaaday xoolaha nool ee Soomaalidu u dhoofinayso dalkiisa. Sida ay qortay jariiradda Alwatan ee ka soo baxda dalka Cumaan, wasiirku waxa uu Xoolaha Somalida uga imanaya ku xidhay laba shardi oo ay mid ka mid ahi tahay in xoolahaas la soo mariyo dekedda Berbera ee Somaliland iyo dekedda Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland.

__

Source: Hadhwanaag News






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp