Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Ma Dhabaa In Col. C/lahi Yusuf Uu Xalay Ku Hoyday Garoonka Muqdisho
September 22, 2008


Madaxa dowladda Imbagati Col.C/lahi Yusuf oo la filayay inuu ka qayb galo shir-sanadeedka guud ee UN-ka ayaa wali ku xayiran xarunta Villa Somaliya, waxaana ka soo baxaaya warar is khilaafsan dhab ahaan halka uu ku sugan yahay iyadoo warar qaarkiis ay sheegayaan in diyaarad nooca cessnada ah oo ka timid Gaalkacyo ayna iska leedahay shirkadda Gallad air ay saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradah Muqdisho, sidoo kale waxaa la sheegay inuu xalay Col.C/laahi Yuusuf uu ku hoyday garoonka Muqdisho si uu degdeg uga dhaafo halkaas. Talaabadaan dhuumaaleysiga ah ayaa timid kadib markii ay u suuroobi wayday inuu ka dhoofo garoonka Muqdisho oo ay saaran tahay cunaqabatayn ay kusoo rogeen xoogaga Al-Shabaab.

Diyaaraddaan oo la sheegay inay rakaab iyo rar ka keentay magaalada Gaalkacyo ayaa soo caga dhigatay garoonka, waxaana la sheegay in tiro dhowr ah oo madaafiic lagu weeraray garoonkaasi intii ay ku sugneyd lamana yaqaano in khasaare soo gaaray iyo in kale inkastoo taawarkii laga hagaayay diyaaradaha ay ku dhaceen dhowr hoobiye, waxaana wararku intaasi raaciyeen in diyaaradani looga soo diray deegaannada Puntland si ay u qaado Madaxa Imbagati ay suurto gal noqon weysay kadib markii duuliyihii uu ku adkeystay inuu dib uga noqonaayo garoonkaasi. Dhacdadaan waxaa ay soo afjaraysaa in garoonkaasi la adeegsan karo si nabad ah. Hadii ay u suurto gasho inuu ka dhoofo garoonkaasi Col. C/laahi Yuusuf waxaa la filayaa in safarkiisu uu ku wajahan yahay dalkaasi Maraykanka, iyadoo ay caqabado adag ka soo wajihi doonaan ku soo laabadkiisa Muqdisho oo xaalkaan ku jirta waxayna dad badani galiyaan shaki.

Taageerayasha Madaxa Imbagati ayaa ku adkaysanaya inuu ka dhoofo garoonka inkastoo saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo Ugandha ay kula taliyeen inuusan ka dhoofi karin halkaas, maadaama ay khatar wayn gashay diyaaradii sahayda u siday ciidamada Ugandha ee Jimcihi lagu weeraray garoonka. Lataliyayaasha Col.C/lahi Yusuf ayaa soo jeediyay talooyin ay ka mid tahay in si degdeg ah ay garoonka uga soo dagto diyaarad yar oo nooca Qaadka ah oo guuxeeda aan la dareemi karin si dhaqsiyo ahna uu ku fuulo madaxweynuhu, isla markaana ay kacdo, iyagoo sidoo kala kula taliyay in waaberiga uu isku dayo inuu ka dhoofo inta xoogaga Al-Shabaab ay ku jiraan salaada subax.

__

Source: Wadanka








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp