Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Shir-gudoonka Golaha Wakiilada SL Oo Safar Koogii Yurub Ka Soo Laabtay
September 24, 2008


Shir-gudoonka golaha wakiilada somaliland oo mudo socdaal ugu maqnaa dalal ka tirsan qaarada Yurub, ayaa galabta kasoo dagey Garoonka diyaaradaha ee Egal Interational Airport ee magaalada hargeysa .

Weftigan oo ka koobnaa Gudoomiyaha Blamaanka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ku xigeenkiisa kowaad Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxay sheegeen markii ay soo gaadheen garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa in booqashadoodu la xidhiidhay hawlaha baarlamaanka Somaliland iyo hawsha dar-dar gelinta aqoonsi raadinta ee dalka.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo isagu qolka nasashada ee VIP-da ee madaarka caalamiga ah ee hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay booqdeen dalalka ay ka mid ka yihiin Jarmalka, Sweden iyo Norway, kuwaas oo dhamaantoodba masuuliyiintii ay kula soo kulmeen uu sheegay Gudoomiyuhu in ay kala hadleen hawlaha baarlamaanka Somaliland iyo qaabkii ay somaliland u taageeri lahaayeen.

Waxana uu xusay Gudoomiyuhu intii ay ku jireen booqashadaas ay ku gaalaa bixiyeen wadamadaas ay boorinayeen masuuliyiintooda sidii ay beesha caalamku ay uga dhaadhicin lahaayeen in ay aqoonsadaan Somaliland, sida oo kale waxaa uu sheegay inay khudbad ka jeediyeen baarlamaanka ee dalka Sweden waxan uu intaas ku daray gudoomiye Cirro dalalkaas ay soo mareen ay kula kulmeen jaaliyadaha reer somaliland ee ku nool dalalkaas.

Ggudoomiyaha Golaha Wakiilada somaliland, oo hadalkiisa sii wataa ayaa sheegay in ay la kulmeen masuuliyiin ka socday wasaarada arimaha gudaha ee dalka Jarmalk, taas oo uu sheegay in ay kala hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya somaliland iyo dalka Jarmalka.

ugu dambayntii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxaa uu tilmaamay in safarkani uu ahaa mid ay boqolkiiba boqol ku soo guulaysteen islamarkaana faaiido badan u leh baarlamaanka Somaliland


__

Source: Hadhwanaag News







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp