Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

G. Komishanka Doorashooyinka oo Faahfaahin Ka Bixiyey Halka Ay Marayaan Hawlaha U Diyaargarowga Diiwaangelinta
September 24, 2008


Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Md Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-wayne) ayaa shaaca ka qaaday maanta in si rasmi ah ay u soo wada gaadheen xarunta komishanka doorashooyinka qalabkii loogu talo galay fulinta hawasha diiwan gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka , islamarkaana ay sidii loogu talogalay ay u socota hawsha u diyaargarowga diiwan gelinta.

Gudoomiyaha komishanku waxaa uu sheegay in hada xarunta komishanka doorashooyinka qaranka ee magaalada hargeysa yaalaan dhamaan wixii qalab ah ee loogu talo galay hawsha diiwan gelinta, qalabkaas oo uu ku sheegay in ay ka kooban yihiin 380, Computer iyo 380 Generater oo ah kuwo loogu talo galay ay dabka siiyaan kompurtaraddaas, sida oo kale waxaa uu xusay in uu yaalo xarunta komishanka doorashooyinka Server data base, loogu talo galay in lagu kaydiyo dhamaan wixii macluumaad ah ee komishanku leeyahay iyo hawlaha diiwan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka

Waxaa uu xusay gudoomiyuhu in qalabkani faa?do badan u leeyahay dalka Somaliland islamarkaana uu u horseedi karo doorshooyin xor ah oo xalaal ah, waxaa uu gudoomiyuhu ka dhawaajiyey in lagu qaadayo faraha iyo sawirada dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland, taasina ay ka horjoogsan doonto in qofku laba jeer footeeyo ama codeeyo

Sida oo kale waxa uu ka hadlay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Md Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-wayne) warar sheegaya in marka dadka faraha laga qaado ay taasi ka hor istaagi doonto in ay u bixi karaan safaro dibedda ah. Waxaana uu gudoomiyuhu amuurtan oo ku tilmaamay wax la la yaabo islamarkaana aanay waxba ka jirin wararkaas waxaana uu u soo jeediyey dadkaa wararkaas la wareegaya suuqyada in ay ka waantoobaan oo ay iska jiraan wixii wax u dhimaya horumarka dalka, isaga oo carabka ku adkeeyey in aanay jirin xitaa cid ka soo dalbatay arintan waxa uu intaas ku daray soo uu sheegay in aanay sinaba u dhaafi Karin macluumaadku xarunka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey hawlaha imtixaanka qaadista shaqaalaha ay komishan ahaan ay u qaateen in ay ka hawl galaan goobaha diiwan-gelinta dalka, waxa uu sheegay in ay 360 qof ay hore uga qaateen sadexda jaamacadood ee Hargeysa, Burco, Boorama iyo 50 Qof oo ay ka qaateen kuliyada bada ee Berbera isaga oo xusay intii soo hadhay ee ay ugu talo galeen in dadwaynaha kale la soo dhex dhigana ay hada xarunta komishanka doorashooyinka uu uga socdo imtixaankii ay cidii ku guulaysatana ay qaadan doonaan.

Dhan kalana ardaydaas imtixaanka laga qaadayey oo macabsho iyo buuq saaka ka hor samayey ayaa waxaa la hadlay gudoomiye ku xigeenka komishan ka doorashooyinka Somaliland Md Cali Maxamed Cabdelle, ayaa u sheegay dhalinyaradaas in ay is-dajiyaan oo imtixaanka si dhakhso ah looga qaadi doono cidii laga qaadayna loo sheegi doon natiijadda waxana uu ku booriyey dhalinyartaas in ay yihiin madaxdii mustaqbalka dalka ee bari maadaama oo ay sidaas tahayna ay ilaa shadaan dalkooda iyo horumarkiisba

__

Source: Qaran News






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp