Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Prime Minister Iyo Somaliland
September 26, 2008 - Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale


Gudidii dhexdhexaadinaysay labadii dhinac ee Kulmiye, talooyinkey soo jeedisay mid ka mid ah ayaan ku hakaday oo igu muuqatay, soo jeedin wax laga odhan karo. Waxaa ka mid ahaa arrimahay soo jeedisay gudidaasi, arrin oranaya, Kulmiye haddii ku guuleysto xukunka, talada haku darsado in uu abuuro mansab "Prim Minister", si hoggaanka dalka looga wada muuqdo. Mawaadin kasta oo reer Somaliland ahi taladaa wuu soo jeedinkaraa. Xisbi kastaana taladaa wuxuu ku dari karaa barnaamijkiisa siyaasiga ah. Soo jeedintaa wax ku jabani majirro. Waxaa is weydiin leh, Somaliland ma xamili kartaa, mana u wanaagsan tahay, geedi socodkeeda dawladnimo, in ay qaadato nidaamkaa Madaxweyne iyo Prime Minister ay wadaagayaan hoggaanka dalka; nidaamkaas oo ah ka loo yaqaano"nidaamka parlamaaniga ah".

Nidaamkaa haddii Somaliland ay qaadato, madaxweynuhu wuxuu noqonayaa Madaxweyne aan lahayn awoodii fullinta. Magacawga Prime Ministerka ayuu madaxweynuhu yeelanayaa, halka Prime Ministerku ka magaacaabayo Golihiisa Wasiirada; kadibna uu barnaamijkiisa xubnaha paarlamaanka kalsoonaan ku weydiisanayo. Kalsoonaantaa haduu waayo xukuumadiisii way dhacaysaa.

Madaxweynaha ayaa markaa masuul kale u soo magaacabaya xafiiskaa si uu xukuumad usoo dhiso. Waxaa nidaamkaa paarlamaanigi ahi fasaxayaa, in parlamaanku kalsooni uqaado "Prime Minister-ka" iyo xukuumadiisa. Markay la noqoto. Haduu kalsoonaanta waayo wuu dhacayaa, markaa madaxweynaha ayaa xafiiska qof u soo magacaabaya. Akhristaha caadiga ahi si uu nidaamkan paarlamaaniga ah u fahmo, ayaan aad ugu fududueeyey tilmaantan nidamka paarlamaaniga ah. Awoodu waxay fadhidaa, nidaamkan paarlamaaniga ah, xubnaha paarlamaanka.

Bal kasooqaad, innaga oo maanta ku dhisan nidaamkaa paarlamaaniga ah, immisa goor ayaad u malaynaysaa, in xubnaha paarlamaanku ay isku dayi lahaayeen iney ridaan Prime Ministerka iyo xukumadiisa? xaqiiqadu waxa ay tahay, inkasta oo nidaamku yahay in Prime Ministerka laga magacaabo xisbigga ugu tirada badan paarlamaanka, in kalsooni u qaadida xukuumadu ay ahaan lahayd tu aan kala go'a lahayn. Taasina waxay ragaadin lahayd horumarka dalka iyo geedi socodka siyaasiga ee dalka.

Nidaamka immika dowladeenu ku dhisan tahay waa maxay? maxaasu kaga duwan yahay, nidaamkan paarlaamaaniga ah ee aynu tilmaanta guud ka bixinay? Dastuurka hadda innoo yaala se, iyadoon waxlaga badalin nidaamkaa paarlamaaniga ah meeli ma uga banaantahay (Lasoco)


Qoralkii: Axmed Yuusuf Ducaale





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp