Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Inka Badan 40 Xubnood Oo Ah Garabkii Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Sheegay Inay Aqbaleen Go'aankii Gudida Dhex-dhexaadinta
September 26, 2008


Dhinaca kale Cadami ayaa isna sheegay inuu aqbalay go aanka gudida dhex- dhexaadinta

Koox ka mid ah garabkii ka cadhooday natiijadii ka soo baxday shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE uga furmay magaalada Burco, ayaa sheegay inay si buuxda u ayidsan yihiin go’aankii Arbacadii habeen hore ay soo saartay ergadii dhexdhexaadinta dhinacyada is khilaafsan ee KULMIYE.

Kooxdan oo tiradooda ku sheegtay inay ka badan yihiin afartan xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee KULMIYE isla markaana uu hoggaaminayo Axmed Xaaji Cali Cadami oo caawa xilli dambe shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay caddeeyeen inay taageersan yihiin go’aankii ergada dhexdhexaadintu ka soo saartay khilaafkii ay dhinaca ka ahaayeen ka dhex jiray xisbiga KULMIYE, isla markaana wixii tabasho ah ee ka dhiman go’aankaas ay kala xaajoonayaan hoggaanka sare ee xisbiga, iyada oo ay tilmaamay inay si weyn ugu rajoweyn yihiin in khilaafkii xisbigu halkaa ku dhammaan doono.

kooxdani waxay shirkoodaa jaraa''''ir ka akhriyeen saddex qodob oo ay ku gaadheen kulamo iyaga dhexdoodu yeesheen, kuwaas oo kala ahaa:-

1. In la ayido go’aankii guddiga dhexdhexaadintu ka soo saartay xallinkta khilaafka KULMIYE.

2. Wixii tabashooyin iyo sixitaan ah ee ka dhiman go’aankaa toos loogala doodo hoggaanka xisbiga, intii meel kale iyo waqti kale kulumi lahaa.

3. In ka noqosho lagu sameeyo warqad hore loo qoray oo qalad ahayd oo codsanaysay in shirguddoonka Golaha Dhexe shir aan caadi ahayn qabto.

Go’aankaas oo uu akhriyey Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa kale oo uu sheegay in la magacaabay guddi samaysa wixii turxaan bixin ah loo baahan yahay, guddigaas oo ka kooban toddoba xubnood, waxay kala yihiin:

1. Axmed Xaaji Cali Cadami, Guddoomiye
2. Xil. Siciid Cilmi Rooble
3. Xil. Axmed Cabdi Kijaandhe
4. Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi (Bidhaan)
5. Maxamed Muuse Cabdi (Galaydh)
6. Cabdillaahi Jaamac Calas
7. Faysal Daahir Camuud.





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp