Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Dowladda Itoobiya Ayaa Sheegtay In Ay Joojineyso Qaadka Ay U Soo Dhoofiso Soomaaliya iyo Jabouti
September 27, 2008


Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda Itoobiya ayaa waxa ay kusheegtay in dadweynaha Itoobiya iyo Ganacsatada Guud ahaanba iminka lagu amrayo in ay joojiyaan khaatka ganacsi ahaan ay u geynayaan Wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana wasaaraddu ay sheegtay in ay tahay taasi mid go'aan lagu gaaray. Go'aankani oo uu saxiixay Wasiirka lagu maagcaabo Girma beru oo isagu ah wasiirka Ganacsiga ee dowladda Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in aanan qofna loo ogolaan doonin in Soomaaliya iyo Jabuuti Xuduudahooda uu ka gudbo isaga oo wada khaat lakin waxa uu intaa ku daray in qofna aan loo ogolaan doonin in illaa 50KM gudaha Soomaaliya uu u galo isagoo khaat wata.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Cadada khaatka ee loo ogolyahay qofkii haddii uuba tegayo meelo aan fogeyn oo xuduudaha Soomaaliya u dhaw in loo ogol yahay qofkiiba 1KG oo khaat ah wuxuuna sheegay in uu dhaqan galayo laga bilaabo maanta.

Dadka khaatka dhoofiya ayaa sidoo kale lasaari doonaa canshuuro iyo sidoo kale lacago kala gedisan oo ku aadan khaatka yar oo ay u soo qaadayaan goobo u dhaw xuduudaha Soomaaliya iyo Jabuuti lakin wasaaraddu waxa ay sheegtay inaysan ogoleyn in gudaha loo galo gudaha wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti iyadoo khaat la wado.

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeed lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya qeybaha socdaalka, Booliska Federaalka Itoobiya lagu wargeliyay arrintani oo shacabka si qasab ah loogu socodsiin doono sida ay wasaaraddu sheegtay, waxay sidoo kale wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee Itoobiya ay sheegtay in isticmaalka khaatka ee dhinaca cadadka uu noqon doono kuwa la go'aansan doono Mustaqbalka dhow lakin waxa ay sheegtay in xuduuda meel ka dheer aan la geyn doonin khaat laga keeno Itoobiya oo Soomaaliya iyo Jabuuti aan laga cuni doonin sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

__

Source: Jamhuuriya




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp