Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Ciidamada AMISOM Oo Xasuuq Ka Geystay Suuqa Bakaadhaha Ee Muqdisho
September 27, 2008


Ciidamada Yugandha ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa madaafiic 10-neeyo ka badan ku gadhaacay maanta suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Yugandha oo ka cadhooday diyaarad Millateri oo saanad u siddey iyaga oo lagu duqeeyay Gadhoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa taas bedelkeeda waxa ay Madaafiic la beegsadeen suuqa Bakaadhaha oo ay ku dileen tiro dad ah oo ka badan 10-ruux, 20-ruux tiro ka badanna wey ku dhaawacmeen.

Suuqa Bakaadhaha oo maanta si aad ah u camidhnaa iyadoo ay ka dukaamaysanayeen dadka u diyaadhgaroobaya Ciidda Fitriga ayaa mar qudha lagu kala cadhadhay markii madaafiicdu ay ku soo bilowdeen, iyadoo uu hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga.

Diyaaraddii u socotay ciidamada Yugandha ee soo caga dhigatay Gadhoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa si nabad ah u duushay iyadoo dad badanna ay darteed u geedhiyoodeen, mana aha markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM ay duqeeyaan Gadhoonka diyaaradaha Muqdisho tan iyo markii kooxda Al-shabaab ay ku dhawaaqday inay xidhay Gadhoonkaas, iyadoo mar waliba oo la duqeeyo Gadhoonkana ay ciidamada AMISOM ku soo jawaabaan madaafiic ay ka dhalato qasaaro dhimasho iyo dhaawac fara badan oo dadka rayidka soo gaadha.

__

Source: Hadhwanaag News




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp